Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Maleeshiyaad hubeysan oo hal goob ku dilay dad isku qoys ah

Maleeshiyaad hubeysan oo hal goob ku dilay dad isku qoys ah

Wararka aan ka heleyno degaanka qabalaha garasle oo hoostaga degmada Shilaabo ee dawlad deeganka Soomaalida ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay hal goob ku toogteen dad isku qoys ahaa oo ku sugnaa Gurigooda.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa rasaas ku furay dadkaas, waxaana halkaasi ku geeriyooday Hooyo, laba Carruur ah oo ay dhashay iyo Adeerkood, waxaana dhacdadaasi lala xiriirinayaa aanooyin qabiil oo bilihii la soo dhaafay ka taagneyd degaano ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida.

Warraka la helayo ayaa sheegaya in Maydadka afarta ruux la keenay degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud oo degaan ahaan ay kasoo jeedaan, iyada oo la filayo in Maanta Gelinka hore  la Aaso meydadka dadkaas.

Sidoo kale dadka degaanka Qabalaha ee falka uu ka dhacaya ayaa sheegaya in la la’yahay Cunug yar oo kamid ahaa Carruurta Qoyska, kaas oo ku sugnaa Goobta uu weerarka ka dhacay.

Degaano ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida ayaa snadihii la soo dhaafay waxaa ka taagnaa Colaad Beeleedyo salka ku haayo dhul la isku heysto, waxaana dagaalka ugu daran uu dhexmaray Soomaalida iyo Qowmiyada Canfarta Itoobiya. https://wardeeqnews.com/

RELATED ARTICLES

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Ciidanka Xooga Oo Hawlgalo Ka Fuliyay Degaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo saacadihii la soo dhaafay  howgallo ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali...

Facebook Feed

Twitter Feed