Thursday, May 6, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Muuse Suudi oo wacad ku maray arrin aysan Farmaajo ka aqbali doonin

Muuse Suudi oo wacad ku maray arrin aysan Farmaajo ka aqbali doonin

Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu ka baxo madaxtooyada oo guri u gaar ah uu Muqdisho ka dego, isagoo sheegay in wax xil wareejin ah aan laga rabin, isla markaana uusan mudneyn.

Muuse Suudi ayaa sheegay inaysan ka aqbali dooni Farmaajo inuu iska sii degenaado Villa Somalia, oo ay ka baxeen madaxweynayaal isaga ka fiican oo kala ah Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajow xil wareejin lagaama rabo, guriga ka bax, guri ijaar ah gal, dadkii horay gurigaan uga baxay kama fiicnid, ma mudnid in xil lagaa wareejiyo, sababtoo ah adiguba Xasan Cali Kheyre kama aadan wareejin, adigana cid kugu sharfee ma jirto in lagaa wareejiyo,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Sidoo kale Senotor Muuse Suudi waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan maanta waxaba dheereyn madaxweynayaashii ka horeeyey ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, “Hadii sida uu yahay uu inkiraayo sidey yihiin ayaa la gaarsiinaa,” ayuu yiri.

Senatorka ayaa ku maahmaahay ra’iisul wasaare Rooble, isagoo sheegay inuu ka gaabiyey mas’uuliyadiisa, iyadoo la dulminaayo dadkii uu ku metelayey kursiga.

“Rooble hadii uu yiraado Farmaajo shaqadeyda ii madax-baney, anaguna diyaar ayaan u nahay inaan la shaqeyno, ma dooneyno dhalinyaradeena in la rukhseeyo oo iyaga la isku bedelo, oo la dilo, Biixi ayaa doonaya inuu ilmaheena nagu hor dilo,” ayuu yiri Senotor Muuse Suudi.

RELATED ARTICLES

Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo uu hoggamiyaha ka yahay Musharax...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska Carruurtii...

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka howlgal Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka...

Facebook Feed

Twitter Feed