Friday, June 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Qarax lagu soo xiray gaari nooca loo yaqaano Hoomeyda Oo Lagu...

Qarax lagu soo xiray gaari nooca loo yaqaano Hoomeyda Oo Lagu Qarxiyay Magaalada Muqdisho

Faah Faahin qarax ka dhacay daqiiqado kahor  Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan gudaha Suuq weyn ee Bakaaraha.

Goobjoogayaal la hadlay wardeeq news ayaa u sheegay in qaraxaas lagu soo xiray gaariga uu sigaar ah uga dhacay qeybta lagu iibiyo Daawada ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoona dadka joogay Suuqa ay jugtiisa maqleen.

Hal qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana gaariga la qarxiyey ee Hoomeyda uu ahaa mid siday Daawo farabadan oo lagu soo raray, taas oo uu waday goob lagu iibiyo Daawooyinka, isla markaana waxaa gaariga gaaray burbur.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa si dhaqsi ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray aaga, sidoo kalena halkaas ka sameeyay baaritaano la xiriira qaraxaas dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca qaraxyo lagu soo xiro gaadiid iyo kuwo Is-miidaamin ah oo goobo lagu weeraro, waxaana qaraxii ugu dambeeyay uu ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

RELATED ARTICLES

8 qaab oo loo seexdo haddii dhabarka uu ku xanuunayo

Haddii si joogto ah aad u dareemeyso dhabar-xanuun, waxay u badan tahay in hurdada ay dhib kugu noqoto. Cilmi-baaris lagu daabacay Wargeygka ka hadla Caafimaadka...

4 xeeladood isticmaal haddaad xiriir haasaawe la leedahay qof aad isla shaqeysaan

Waqti badan ayaan ku qaadannaa goobta shaqada maalin walba.  Daraasado dhowr ah ayaa muuhiyay in tiro badan oo ka mod ah dadka isla shaqeeya ay...

Aqriso;- Shan arrimood oo uu ballan-qaaday Cabdikariim Axmed Mooge – Maayirka cusub ee Hargeysa

Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ayaa shalay ugu dambeyntii Maayirka caasimada u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani, xilkaas...

Facebook Feed

Twitter Feed