Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Waxbarashada QOFKA IYO WAXBARASHADA

QOFKA IYO WAXBARASHADA

Siyaasadda wax-barashada iyo manhajka Qaranku ugu talo galay dadkiisa waa in u noqdaa mid qofka ku kobcinaya oo ku barbaarinaysa sifooyinka hoos ku qeexan :-
Waa in ay noqotaa mid dhisaysa/ korinaysa QOFKA shakhsiyaddiisa u garka ah, awooddiisa maskaxeed iyo tan jidheed ee ku duugan ilaa halka ay gaari karto.

Waa in ay noqotaa mid qofka u dhisaysa ixtiraamka WADDANINIMO oo u hoggaansan sharciyada, Qof bulshada wax soo saar u leh, Qofka ixtiraam u leh xuquuqda aadamiga iyo xorriyadda qofka ee aasaasiga ah.

Waa in ay noqotaa mid ku barbaarisa oo ku abuurta QOFKA ixtiraamka iyo u hilowga dhaqankiisa, afkiisa iwm.

Waa in ay ahaataa mid abuurta qof mas’uul ah oo bulsho ku dhex noolaan kara, qof bulshada fahami kara, nabadda u adeega, dulqaad leh, jecel wada noolaashaha iyo midnimada dadyowga kale.

Waa in ay ahaataa mid abuurta dareen badbaadinaya bii’adda dhulka iyo wixii ku nool sida:- dhirta/ baadka iyo noolaha kale ee ku dhaqan bii’adaha kala duwan ee dalka.

Waa in ay ahaataa mid Qofka si ballaadhan ugu dhista awood farsamo iyo hab shaqo oo u suuragelisa ku fillaanta waajibaadka noloshiisa iyo tan reerkiisa iyo ciddi kale ee uu mas’uul ka yahay.

Waa in ay ahaataa mid qofka hore u marisa dabeecadaha iyo aadaabta suubban ee qofka si uu dad la dhaqan u lahaado.
Waa in ay ahaataa mid qofka u dhista fikir xor ah (Rational Thinking).

Waa in ahaataa mid qofka ku beerta dhaqan wax akhris, wax-barasho iyo cilmi baadhis socota.

Waa in ay ahaataa mid ku barbaarisa garashada waajibaadka ka saaran bulshada iyo waddanka iyo waxa qofku xaq ugu leeyahay bulshada iyo waddanka (Responsibilities and entittelments).

Waa in ay ahaataa mid qofka ku barbaarisa:- Maxaa xaq ah maxaa se xaq darro ah, maxaa sharci ah maxaa se sharci darro ah.
Waa in ay ahaataa mid qofka ku abuurta kalsooni uu cid kale ugu gudbin karo fikir kiisa iyo waxa uu yaqaan.

Sifooyinkaasi waa kuwa la rabo in qofku ka hantiyo habka wax-barashada ee ummadi u qorshaysay dadkeeda. Manhaj iyo agab waxbarasho oo ah kii habboonaa, qayb weyn ayay ka qaataan barbaarinta qofka.

Waxa kale oo la ogyahay in ay jiraan waxyaalo kale oo iyana saameyn muhiim ah ku leh wax-barashada qofku helayo, waxaana ka mid ah: –
Bulshada qofku ku dhex nool yahay.
Xirfadda iyo heerka waxbarasho ee waalidka.
Jiilka uu la korayo.
Meesha iyo bii’adda uu wax ku baranayo.
Laybareriga ka jira dugsiga ama magaalada.
Muusimyada dhaqanka iyo taariikhda.
Dugsiga iyo macallimiinta wax u dhigta
QOFKA IYO WAXBARASHADA Siyaasadda wax-barashada iyo manhajka Qaranku ugu talo galay dadkiisa waa in u noqdaa mid qofka ku kobcinaya oo ku barbaarinaysa sifooyinka hoos ku qeexan :-

Dugsiga iyo macallimiinta wax u dhigta.

RELATED ARTICLES

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Ciidanka Xooga Oo Hawlgalo Ka Fuliyay Degaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo saacadihii la soo dhaafay  howgallo ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali...

Facebook Feed

Twitter Feed