Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Rabshado kale oo ka dhacay Masjidka Al-Aqsa

Rabshado kale oo ka dhacay Masjidka Al-Aqsa

Rabshado ayaa markale Isniinta maanta ah ku dhex maray ciidamada ammaanka Israel iyo Falastiiniyiin cibaadaysanayay agagaarka masaajidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus, ayada oo ciidamada ay galeen gudaha masjidka.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in boqolaal lagu dhaawacay iska hor imaadyo cusub oo dhacay Isniinta maanta ah, rabshadaha oo yimid waxyar ka hor socod qorsheysan oo lagu xuso 1967-kii oo ay Israel qabsatay magaaladan barakeysan.

Iska horimaadyadan ayaa ahaa kuwii ugu xumaa ee ka dhaca Qudus tan iyo 2017.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambaanooyinka aan qarxin ku rideen masjidka, halka dadka cibaadaysanayay ay dhagxaan iyo waxyaabo kale ku tuureen ciidamada Israel. Waxaa jira warar sheegaya daraasiin qof ay dhaawacmeen, oo ay ku jiraan ugu yaraan 50 oo la dhigay isbitaalada.

Dagaallada ayaa ka dhacay irdaha dhismaha Masjidka al-Aqsa ee Magaalada qadiimka ah.

Iska horimaadyada maanta ayaa dhacay saacado ka hor munaasabadda sanadlaha ah ee Maalinta Qudus, oo ah maalin ay Israa’iiliyiintu u dabaaldegaan sheegashada Israel ee gabi ahaan magaalada Qudus. Ka qeybgaleyaasha ayaa socod ku mari doona Magaalada Qadiimiga ah, oo qayb ka ah bariga Qudus, taas oo Israel ay qabsatay islamarkaana goosatay xilligii uu socday dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967.

Laakiin maamulka Israel ayaa si ku meel gaar ah uga mamnuucay Yuhuudda in ay booqdaan goobta barakaysan isku dhacyada halkaasi ka jira awgeed.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed