Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ra'iisal Wasaaraha Falastiiniyiinta oo digniin u jeediyay Israel

Ra’iisal Wasaaraha Falastiiniyiinta oo digniin u jeediyay Israel

Ra’iisal Wasaaraha Falastiiniyiinta, Mohammad Shtayyeh ayaa si adag uga hadlay isku dhacyada ka soo cusboonaaday Bariga Magaalada Qudus, isagoona digniin adag u jeediyay Maamulka Israel.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in cawaaqib xun uu ka dhalan doono wixii ka dhacay Masaajidka Al-Aqsa iyo dadka Falastiiniyiinta ee guryahooda xoogga looga rarayo.

“Waxaan Israel dusha u saarayaa masuuliyadda ah dhibaatada soo gaartay dadkii ku cibaadeysanayay Masaajidka barakeysan ee Al-Aqsa, waxaana uga digayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta weerar noocaasi ah, gaar ahaan isku dayada ku aaddan in dadka laga raro Sheikh Jarrah, dadkaasi oo horey u lahaa dhulkaasi.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Shtayyeh.

Booliska Israel ayaa dadka dibadbaxyada ka wada aagga Masjidka Al-Aqsa ee dhegxaanta tuuraya u adeegsaday bambaanooyinka dheemishka ka sameysan ee aan dadka waxyeelin, rasaasta cinjirka ka sameysan, sunta dadka ka ilmeysiisa iyo booyadaha dhuumaha waaweyn leh ee biyaha tuura.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa Isniintii sheegtay in dad kor u dhaafaya lix boqol oo qof oo reer Falastiin ah ay ku dhaawacmeen isku dhacyada iyaga iyo Booliska Israel ku dhex maray Bariga Qudus.

Sidoo kale in ka badan 20 askari oo ka mid ah Booliska Israel ayaa ku dhaawacmay qalaalasaha ka taagan magaaladaasi.

Afhayeen u hadlay Maamulka Israel ayaa qalalaasaha Bariga Qudus ku tilmaamay shaqaaqooyin la soo maleygay.

Maxkamadda Sare ee Israel ayaa Isniintii dib u dhigtay dhageysiga rafcaanka ay qaateen in ka badan 70 qof oo Falastiniyiin ah oo Maamulka Tel Aviv uu xoog kaga rarayo xaafadda Sheikh Jarrah ee Bariga Qudus.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed