Tuesday, June 15, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Sports-ka RASMI: Liverpool oo soo bandhigtay maaliyadda ay gurigeeda kula ciyaari doonto xilli...

RASMI: Liverpool oo soo bandhigtay maaliyadda ay gurigeeda kula ciyaari doonto xilli ciyaareedka dambe…(Xilliga ay ku ciyaari doonto kulanka ugu horreeya, xilliga la iibsan karo & naqshaddeeda)

Shirkadda Nike iyo kooxda kubadda cagta Liverpool si rasmi ah usoo bandhigay maaliyadda xilli ciyaareedka 2021-22 ay garoonkeeda kula ciyaari doonto.

Waa naqshaddii labaad ee ay Nike u sameyneyso Liverpool kaddib markii xagaagii hore dhanka maaliyada u sameynta Reds ay kala wareegtay shirkaddii New Balance.

Kooxda horyaalka Ingiriiska hanatay fasalkii hore ayaa maaliyaddan cusub  ku ciyaari doonta kulanka ay Axadda garoonkeeda kusoo dhoweyneyso naadiga Crystal Palace, iyadoo suuqana lasoo dhigi doono 3-da bisha June ee sanadkan si loo iibsado.

Shirkadda Standard Chartered oo maalgelineysa maaliyadda Liverpool ee xilli ciyareedka dambe ayaa astaantooda lagu soo muujin doonaa caloosha hore ee maaliyadda halka shirkadda kale ee iyaduna taabo gelinta qaybta ka ah ee Expedia ay astaantoodu kasoo muuqan doonto gacanta bidix ee maaliyadda.

Haddaba halkan hoose ka eeg maaliyadda ay shirkadda Nike u sameysay Liverpool:

New 'leaked' images of Liverpool's 2021/22 home kit

Liverpool new kit: Leaked images show full view of striking new strip |  GiveMeSportZgodba Se spremeni v storila nike liverpool leaked - socialmediathon.org

New 'leak' of rumoured Liverpool FC kit for 2021/22 gives closer look -  Liverpool FC - This Is Anfield

RELATED ARTICLES

Deni oo sheegay inay kordhinayaan la dagaalanka Al-Shabaab & Daacish

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 48aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka hadlay xaaladaha amni...

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la weeraray

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Uganda oo ka...

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo...

Facebook Feed

Twitter Feed