Friday, April 23, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Arrimaha Bulshada Raysal Wasaaraha Dalka Suudaan Oo Maanta Booqasho Ku Tagaya Dalka Sacuudiga

Raysal Wasaaraha Dalka Suudaan Oo Maanta Booqasho Ku Tagaya Dalka Sacuudiga

Raysal Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay duhurnimada maanta booqasho ku tagaan caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.

Waftigaasi waxaa qeyb ka ah Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Maaliyada, Qorsheynta Dhaqaalaha, Beeraha, Maalgashiga Caalamiga, Wasiirka Arrimaha Golaha Xukuumadda, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalkaasi.

RW Xamduuk waxaa jadwalka safarkiisa ka mid ah inuu kulamo la yeesho Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan (MBS) iyo Ma’uuliyiin kale, halka Wafdigiisa Wasiirada ay kulamo la yeelan doonaan dhigooda Sacuudiga.

Madaxda Labada dhinac waxay isla gorfeyn doonaan Xiriirka Taariikhiga ee labadooda dal iyo sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga dhinacyada Ammaanka iyo Deganaanshaha labadooda Waddan ee walaalaha ah.

RW Sudan waxaa la sheegay inuu Sacuudiga ka dalban doono inay kordhiyaan Taageeradda Dhaqaale iyo midda Farsamo ee ay Sudan siiyaan, inkastoo uu dhaqaalaha Sacuudiga beryahan saamayn ku yeeshay Duqeymaha Kooxda Xuutiyiinta Yemen ku hayaan Xarumaha Shidaalka ee halbowlaha u ah Dhaqaalaha dalkaasi.







RELATED ARTICLES

Imaaraadka Carabta oo baabuur dagaal kasoo dejiyey garoonka Boosaaso

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland ugu deeqday gadaadiid kuwa dagaalka ah, oo toddobaadkan laga soo dejiyey magaalada Boosaaso, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay...

Khubarada deegaanka ayaa sheegaya in soo jeedinta cimilada ee AMLO ay dib ugu celinayso

Soo-jeedimaha uu Madaxweyne López Obrador ku soo bandhigay Khamiistii Shirweynihii Hoggaamiyeyaasha toddobaadkan ee Cimilada ma ahan kuwo halis ah, oo ku saleysan fikrad ka...

Aqoonyahan Hindi Mareykan ah ayaa ka codsaday Mareykanka in loo diro AstraZeneca Jabs Hindiya

Tirada infakshanka maalinlaha ah ee waddanka ayaa gaadhay meeshii ugu sarraysay, iyada oo in ka badan laba lakh COVID-19 xaaladood la duubay maalin kasta...

Facebook Feed

Twitter Feed