Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Rooble "Xukuumadda waxay soo bandhigi doontaa qorsheyaasha doorashooyinka"

Rooble “Xukuumadda waxay soo bandhigi doontaa qorsheyaasha doorashooyinka”

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow ka hadlay tallaabada uu Madaxweynuhu ugu soo wareejiyay hoggaaminta hawlaha doorashooyinka, amnigooda iyo fulinta qorshaha guud ee amniga qaranka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa marka hore Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga mahadceliyay inuu u xilsaaray la wareegidda arrimaha doorashooyinka iyo weliba amniga dalka. Sidoo kale Golaha Shacabka ayuu uga mahadceliyay inay aqbaleen in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September ee ku qotamay qaabka doorasho ee dalka.

“Maanta waa maalin taariikhi ah oo mudnaan gaara u leh geedi-socodka nabadda, dimoqraadiyadda iyo Dowladnimada Somaliya.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa yiri “Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo markale muujiyay tanaasul aad u weyn, isagoo u damqanaya shacabka Soomaaliyeed iyo qaranimada.”

Waxa kaloo uu yiri “Anigoo rajeynaya in aan ku guuleysanno howshaas iyo masuuliyaddaas muhiimka u ah masiirka dalka, una maareyno sida ugu wanaagsan.”

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa tibaaxay in Xukuumaddiisu soo bandhigi doonto qorsheyaasha doorashooyinka, amnigooda iyo fulinta qorshaha guud ee amniga qaranka.

“Xukuumaddu waxay sida ugu dhakhsiyaha badan uga hawlgeli geli doontaa, una soo bandhigi doontaa qorsheyaasha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha guud ee amniga qaranka.” Ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa yiri “Waxaan rabaa in aan halkan uga caddeeyo shacabka Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedyada, Siyaasiyiinta iyo dhammaan Daneeye-yaasha Siyaasadda ee dalka in ay naga go’an tahay in ay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo daahfuran, iyada oo cidna xaqeeda la duud-siin.”

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa xusay in uu ka xun yahay qulqulatooyinkii toddobaadkii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho, taa oo sida uu sheegay laga baaqsan karay, waxaana uu ku baaqay in nabadda laga wada qayb qaato, marba haddii xal laga gaaray arrinta doorashada.

Rooble ayaa sheegay in Ciidamada Qaranka ay yihiin geesiyaasha dalka, mana lahan buu yiri mucaarad iyo muxaafid, isagoo ugu yeeray inay dib xeryahooda ugu laabtaan, isla-markaana ay ka fogaadaa inay siyaasadda ku milmaan.

RELATED ARTICLES

Wararkii Ugu Dambeeyay ismiidaamin Xalay Ka Dhacday Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay wadada mashquulka badan Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Nin isa soo...

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Facebook Feed

Twitter Feed