Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Saraakiil sare iyo tiradii ugu badneyd oo dagaal-yahanno ah ‘oo laga dilay’...

Saraakiil sare iyo tiradii ugu badneyd oo dagaal-yahanno ah ‘oo laga dilay’ Al-Shabab

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Galka-Xarareey ay militeriga Soomaaliya ku dileen ugu yaraan laba sarkaal iyo in ka badan 30 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda. Khasaarahan ayaa ah kii ugu badnaa ee dhowaanahan soo gaara Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalkaas looga dilay Al-Shabaab waxaa kamid ah madaxii Jabhadaha ee gobolka Shabeellada Dhexe oo magaciisa lagu soo koobay Macalin Yuusuf, madaxii maxkamadda Al-Shabaab ee deegaanka Galka-Xarareey iyo ugu yaraan 30 dagaalame oo kale.

Sidoo kale Taliye Odawaa waxa uu sheegay in 20 dagaalame oo kale ay ciidamadu ku dhaawaceen howlgalkaas, isla markaana ay nolosha ku qabteen laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkaas uu guuleystay, isla markaana ay jiraan rag loo maleynayo saraakiil sare oo lagu dilay deegaankaas, kuwaas oo xogtooda ay dib kasoo shaaci doonaan xaqiijin kadib.

Maalmihii u dambeeyey degmooyinka iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe ayey ciidamada xoogga dalka waxay kala wareegeen Al-Shabaab, waxayna saraakiisha militeriga Soomaaliya sheegeen inuu socdo qorshe gobolkaas looga sifeynayo kooxda.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed