Thursday, May 6, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa xalay la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

Kulankan oo ka dhacay hoyga Shariif Sheekh Axmed uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ayaan la ogayn waxyaabihii looga hadlay, mana jirto cid Warbaahinta uga warbixisay.

Waxaase soo baxaya warar sheegaya in kulanka diiradda lagu saaray doodda cusub ee ka dhalatay muddo kordhinta uu Golaha Shacabka u sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Shariif Sheekh Axmed uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ugu baaqay inaanan ciidamada loo adeegsan dano siyaasadeed oo gaar ah.

Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa toddobaadkii hore sheegay in muddo kororsiga Dowladda Federaalka uu dalka dib ugu celinayo xilligii adkaa ee laga soo gudbay.

Sharciga gaarka ah ee jiheynta doorashooyinka dalka ayaa sii kala foggeeyay dhinacyada siyaasadda ee dalka, oo in muddo ahba ku kala qaybsanaa dhabaha loo marayo doorashada dalka.

Si kastaba ha-ahaatee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socdo kulamo iska soo horjeeda, waana xilli qaybo ka mida magaalada ay xiisadi ka jirto.

RELATED ARTICLES

Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo uu hoggamiyaha ka yahay Musharax...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska Carruurtii...

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka howlgal Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka...

Facebook Feed

Twitter Feed