Daadad kusoo rogmaday degaano ka mid ah Puntland

Qaar kamid ah gobolada Puntland waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’yey roobab mahiigaan ah oo sababay in degaano ka mid ah gobolka Bari uu kusoo rogmado daadad xooggan.

Roobabka ayaa u badan gobolka Bari gaar ahaa degaanada xeebaha, kuwaas oo ilaa iyo hadda roob xooggan ka da’ayo.

Daadad soo rogmaday gobolka Bari ayaa saddex gaari kula tagay Boosaaso, waxaana laga soo badbaadiyey dadkii saarnaa gaadiidkaas sidda uu sheegay maamulka gobolka Bari

Maamulka gobolka Bari ayaa hakiyey isu socodka gaadiidka magaalada Boosaaso iyo gobolada kale ee Puntland.

Degaanada ay duufaantu saameysay markii war ugu dambeysay waxaa kamid ahaa Degmada Eyl, Garacad, Dhanaane, Dhinowda iyo deegaano ku dhaw dhaw, si saf mar ah, waxaana ilaa hadda aan la haynin xaaladda deegaanadaas.

Maleeshiyaad weerar ku qaaday Xabsi ku yaalla Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan  Maleeshiyo beeleed iyo ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta ee Puntland ayaa weerar ku qaadeen Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntland.

Weerarka ayaa yimid ka dib markii halkaas lagu xiray mid kamid ah dadka magaaladaas, oo la sheegay in ay soo qabteen laamaha Ammaanka ee Puntland, ka dib markii uu dacweeyey wasiir katirsan Xukuumadda Puntland.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa Muddo kooban la wareegay gacan ku heynta Kontoroolada laga soo galo xabsiga Gaalkacyo ee Puntland.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Maleeshiyaadka hubeysan ay sheegeen in aan cidna ka bixi karin soona galeynin, ilaa lasoo daayo maxbuuska ay soo xireen ciidamada Ammaanka.

Xiisadda ka dhalatay ruuxa la xiray ayaa wali ka taagan Magaalada Gaalkacyo, waxaana Ciidanka Amniga Puntland ay sheegeen in aan ruux lasii deyn doonin ilaa Maxkamad la geeyo,maadaama dambi loo heysto.

Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo Kenyaan ku laayay Mandhera

Ciidanka booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in  weerar Al-Shabaab ku qaadeen Bas Maraayay inta  u dhexeeysa Mandheera iyo Kutulod oo ka tirsan Gobolka Wajeer lagu dilay 10 ruux.

Taliyaha Bilayska Gobolka Wajeer Stephen Ng’etich ayaa xaqiijiyay  weerarkaasi ay ka dambeeyeen Al-Shabaab,islamarkaana dadkaasi ay kala degeen gaari Bus ah oo ay saarnaayeen ka dibna ay xasuuqeen.

Taliyaha ayaa xusay in Al-Shabaab ay halkaasi ku dileen dhammaan dadkii aan muslimiinta aheyn ee gaariga saarnaa ka dib markii ay dadka u kala saareen Muslim iyo Kiristaan sidda uu sheegay taliyaha.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay Mas’uuliyadda weerarka, waxaana ay sheegeen in ay dileen Kenyaan kusii jeeday Magaalada Mandera.

Bishii Nofeembar 2014, 28 qof ayaa la dilay markii Al Shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen bas ku socday Mandheera, waxaa uu ahaa weerarkii ugu xumaa ee noocan ah oo lala beegsanayo dadka aan muslimiinta ahayn.

Bishii Diseembar 2015, weerar kale ayaa dhacay, oo Al-Shabaab ay beegsadeen gaari bas ah oo ay saarnaayeen Kenyaati.

2016-kii weerar lagu qaaday labo gaari oo bus ah oo maarayay aagga Mandera waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux.

WHO Oo War Ka Soo Saartay Fatahaadaha Ka Jira Dalka

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa baraha Bulshada ku sheegtay in fatahaadihii dhowaan ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ay ku dhinteen 25 Qof, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen, xilli ay Roobab culus ay ka da’ayaan meelo ka mid ah Dalka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Roobab mahiigaan ah oo ka hooray dhowr qeybood oo ka mid ah Soomaaliya ay barakiciyeen in kabadan 270,000 oo Qof, iyadoo burburiyay hab nololeedkii Dadka iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee Dalka.

Xaaladaha adag ee ka jirta qeybo ka mid ah goobaha ay daadadku saameeyeen ayay sheegtay WHO in ay geeyeen qaddar yar oo Naf badbaadin ah, balse uu jiro dedaallo lagu ballaarinayo howlaha gargaarka.

Xafiiska Qaramada midoobay u qaabbilsan Isuduwidda arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa dhowaan sheegay in kabadan 547,000 oo Qof in ay saameeyeen fatahaada Dalka ka dhacay.

Guddiga Fatahaadaha Oo War Cusub Soo Saaray

Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu horay u magacaabay R/wasaaraha Soomaaliya ayaa weli wada gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka jira dalka.

Xubnaha guddiga oo aan ka mid aheyn shaqaalaha dowladda ee maanta la fasaxay ayaa sheegay in sidii loogu talagalay ay ku socdaan howlaha gurmadka.

Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in saacadaha soo socda laba diyaaradood oo gargaar sida ay u diri doonaan degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Fatahaada wabiyada Shabelle iyo Jubba ayaa saameyn daran ku yeelatay qoysas badan, kadib markii ay daadad ku dhufteen xaafadihii ay deegaansanayeen.

Falanqeyn: Muxuu Sababsaday Dhoobo Daareed?

Xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa 7-dii bishan (Khamiistii) waxa ay xilka ka qaadeen guddoomiyahii baarlamaanka ee maamulkaasi C/xakiin Maxamed Axmed (Dhooba Daareed).

Hadaba dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in sababta uu ku baxay Dhoobo Daareed ay tahay farogelin dowladda federaalka ah.

Aqoonyahan Maxamed Axmed Caalim oo u waramay Goobjoog wuxuu sheegay in Dhoobo Daareed uu mar hore caddeystay inuu taageersan yahay dowladda federaalka, kana xun yahay xiriirka ay Puntland u jartay DFS.

Sidoo kale, Caalim ayaa sheegay in madaxda federaalka ay dhaqaale badan ku bixiyeen burburinta maamul goboleedyada, si ay talada dalka ugu soo noqdaan 2021.

Dhoobo Daareed Iyo Ciidan Uu Wato Oo Gaaray Sanaag

Guddoomiyahii baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo Khamiistii xilka laga qaaday ayaa isaga baxay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Sida wararku ay sheegayaan, guddoomiyaha waxaa la socda ciidamo badan oo isaga taageersan, waxaana ay xalay gaareen degmada Xingalool ee gobolka Sanaag.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha uu maanta kulamo la qaadan doono waxgaradka gobolka, waxaana ay ka wadahadli doonaan arrimo ku aaddan Puntland.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in gobolka Sanaag uu shir uga furmo waxgaradka gobolkaasi, waxaana ay ka tashan doonaan aayahooda Puntland.

Xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa 7-dii bishan waxa ay xilka ka qaadeen guddoomiye Dhoobo Daareed oo ay ku eedeeyeen ku tumashada dastuurka Puntland iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka.

Maxaa ka jira in dowladda dhexe ay Ciidamo si qarsoodi ah uga qoratay Waqooyiga Gaalkacyo?

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa beeniyay in ay jiraan Ciidamo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay si qarsoodi ah uga qoratay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Waxaa uu sheegay in Wararkaasi yihiin been abuur ,islamarkaana aysan jirin hub iyo Ciidan lagu wareejiyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur .

Annaga heer gobol xiriir lama lihin dowladda Federaalka ah, xiriir waxaan la leenahay dowladda aan ka tirsanahay, xiriirka Federaalkana waxaa leh xukuumadda sare ee ilaa heer madaxweyne ah” ayuu mar kale yiri.

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Federaalka aysan ciidamo ka qoran Karin gobolka Mudug ilaa Puntland iyo Villa Somalia ka heshiiyaan arrimaha siyaasadeed ee ay ku mursansan yihiin.

Somaliland oo ka hadashay xilka qaadistii Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland

Xukumada Madaxwayne Muuse ayaa Sharci Darro Ku Tilmamaay Xilka Qaadistii Lagu Sameeyay Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Soomaliland Salebaan Cali Kore oo warbaahinta dalka ay wax ka waydiisay sida ay ka xukumad ahaan u arkaan,xilka qaadistii gudoomiyaha barlamaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ka xun yihiin waxa ku dhacay Gudoomiyaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay soo dhawaynayaan isla markaana xukumada madaxwyane Muuse u aqoonsatay qof Soomalilander ah.

“Waxaan u aragnaa kolay arinkay sheeganayeen inaanay marin iyo ida dastuurkoodu qorayo,cidi meesha fadhidayna aan sidii sharciga ahayd loo marin.waa war guud waxana u aragna inuu sifo sharci daro u dhacday,dhoobo waa nin reer Soomaliland ah waxana jeecelanahay inuu isaga oo Soomaliland aaminsan uu yimaado,sababta oo ah waa dadka aan u sheegaynay in Soomaliland ay la wada leeyahay ay tahay.”ayuu yiri wasiir Salebaan Cali Kaoore .

Wasiir Salebaan Cali Koore ayaa u mahadnaqay ugu danbaynyii dadka degan bariga Soomaliland ee ka gilgilshay sida loola dhaqmay gudoomiyaha barlamaanka maamulka Puntland Dhoobe  oo hada ku sugan Xiin Galool.