Tuesday, June 15, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Taliyihii Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Oo Qarax Lagu Dilay

Taliyihii Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Oo Qarax Lagu Dilay

Qarax xoogan ayaa duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Hirshabeelle.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari uu saarnaa Taliyihii Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mareyre Makaraan iyo Ciidamo la socday.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray Ciidanka lala eegtay, waxaana la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Dhicisoow Maxamed Qeelshe oo ahaa Taliyihii Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen 4 kamid ah Askar la socotay Taliye Dhicisoow Maxamed, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad, waxaana qeyb kamid ah burburay gaariga ay saarnaayeen.

Ilaa iyo hadda Maamulka Hirshabeelle ayaan ka hadlin qaraxaas khasaaraha geystay ee ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle oo jugtiisa laga maqlay deegaano ku dhow Jowhar.

Qaraxaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo Maanta Magaalada Jowhar uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Kooxda Macwiisleyda, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan, waxaana dadka ku dhintay kamid ahaa Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Hirshabeelle, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray.

RELATED ARTICLES

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Magalada Baydhabo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kadib safar shaqo...

Qaramada Midoobey Oo Balan Qaad Cusub U Sameeysay Galmudug

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug ayaa madaxtooyada Maamulka ku qaabilay wafdi ka socday Hay’addaha Qaramada Midoobey ee kala ah IOM, WHO,...

Facebook Feed

Twitter Feed