Wafti ka socday safaaradda dalka Finland ay ku leeyahay dalka Kenya oo ay hogaaminaysay Qunsulka waxbarashada iyo horumarinta bulshada Miss Hanna Laitinen ayaa maanta waxay booqasho shaqo ku timid Xarunta Hay’adda Waddaniga ah ee sohasco Org,

Booqashaasi oo ay ku wehelinayey masuuliyiinta xafiiska UNFPA ee Somaliland, waxaanay soo kormeertay barnaamijyada waxbarashada Xirfadaha ka socda xarunta,

taasi oo ay dowladda Finland ka mid tahay dowladaha dhaqaalaha ku bixiya barnaamijkan xirfadaha lagu barayo dumarka iyaga oo soo mariya hay’adda UNFP.