Tuesday, May 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka War; Deg Ah Guddoomiyihii degaanka leego oo qarax lagu dilay

War; Deg Ah Guddoomiyihii degaanka leego oo qarax lagu dilay

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay xilli dambe qarax lagu dilay Guddoomiyihii degaanka leego ee Gobolkaas, xilli uu ku sugnaa degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Alle ha u Naxariistee Guddoomiyihii degaanka leego oo lagu Magacaabi jiray Xasan  Gucdur uu u geeriyooday qarax loogu xiray Gaarigiisa, waxaana ku dhaawacmay qaraxaas laba askari oo kamid ahaa ilaaladiisa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xqiijiyay geerida Guddoomiyihii degaanka leego oo bilihii la soo dhaafay ku sugnaa degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan  Xildhibaannada  Golaha Shacabka ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Guddoomiyihii degaanka leego, waxaana weli dilkaasi si cad uga hadlin mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.  wardeeq news

RELATED ARTICLES

Khasaaro Ka Dhashay Gantaallo Ku Dhacay Koonfurta Israa’iil

Toban qof ayaa ku dhaawacantay gantaal ku dhacay gobolka Eshkol ee koonfurta Israa’iil, sida laga soo xigtay adeegga gawaarida gurmadka deg deg ah ee...

Facebook Feed

Twitter Feed