Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka War; Deg, Ah; Wariye Axmed Xuseen oo ku geeriyooday Muqdisho

War; Deg, Ah; Wariye Axmed Xuseen oo ku geeriyooday Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Axmed Xuseen Cadow oo ka mid ahaa wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howl-galka caasimada, waxaana geeridiisa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa.

Marxuumka ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku xanuunsanaa gudaha magaalada Muqdisho, waxaana la dhigay isbitaalka Yardameli ,kadib wadno xanuun kusoo booday.

Geerida naxtinta leh ee ku timid marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyey bahda saxaafadda oo tacsi tiraanyo leh u diray ehellada iyo qaraabada Ex-Wariye Axmed Xuseen Cadow.

Sidoo kale waxaa geerida ku timid wariyaha ka hadlay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, isaga oo bahda saxaafadda iyo ehellada marxuumka u tacsiyeeyey.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Fardowso.

Marxuum Axmed ayaa ifka uga tegay Xaas iyo saddex Carrruur ah, wuxuuna hadda ka tirsanaa shaqaalaha Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed