Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Warar; Dheeraad Ah Ayaa Kasoo Baxaya Qarax Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha...

Warar; Dheeraad Ah Ayaa Kasoo Baxaya Qarax Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmadaas.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka la geliyo ee laga hago meelaha fog-fog ayaa lagu aasay afaafka hore ee Dugsi sare ee uu ku yaalla Balcad, waxaana Iskuulka ka socday Imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe oo ay qaadeyso Hirshabeelle.

Dad ku sugan Balcad oo la hadlay wardeeq news ayaa u sheegay in qaraxaas uu dhaawac kasoo gaaray oo kaliya hal Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, isla markaana sugayay amniga Iskuulka uu hortiisa qaraxa ka dhacay.

Askariga ayaa la sheegay inuu gacan ka jabay, isagoona loo soo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho, si loogu daaweyo, mana jiro khasaaro kale oo laga soo weriyay qaraxaas ka dhacay degmada Balcda.

Ardaydii ku jiray gudaha Iskuulka ee u fadhiyay Imtixaanka fasalka 8-aad ayaa waxaa la tilmaamay inay ka Argagaxeen jugta qaraxa, waxaana intaas kadib Ardeyda ay ka kala carareen goobta, iyadoona halkaas ay tageen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Balcda ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle oo ay uga hadlaan qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Dugsiga sare ee uu ka socday Imtixaanka fasalka 8-aad oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed