Tuesday, May 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Magaalada Muqdisho

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Muqdisho, ka dib dagaalkii gelinkii dambe ee shalay illaa xalay ka socday qaybo ka mida magaalada.

Dadka reer Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay, iyadoo xaaladda magaalada ay degan tahay, inkastoo ay weli dadku baqdin muujinayaan.

Isu-socodka goobihii xalay lagu dagaalamay ayaa mid caadiya ku soo laabtay, iyadoona lagu arkayo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale goobaha ganacsiga ee magaalada ayaa qaarkood dib loo furay, nolosha ayaana mooddaa inay si caadiya dib ugu soo laabaneyso.

Dhanka kale Duubabka Dhaqanka ee Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay dadaalo ay ugu kala dab qaadayaan Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta.

Wararka ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka ay la kulmeen xubno ka socday Dowladda Federaalka, markii dambena ay la kulmeen garabka mucaaradka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in labada dhinacba ay aqbaleen in dagaalka la joojiyo, xaaladda taagan-na laga wadahadal.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xaaladda soo korortay looga gudbi karo wadahadal iyo is afgarad.

“Dowladdu waxay aaminsan tahay in wadahadal iyo is afgarad uu yahay jidka ugu habboon ee wax kasta lagu xalin karo. Hawshaas oo aan bilaabay anigoo rajeynaya in aan ku guuleysan doono, Insha’Allah.” Ayuu yiri Rooble.

RELATED ARTICLES

Khasaaro Ka Dhashay Gantaallo Ku Dhacay Koonfurta Israa’iil

Toban qof ayaa ku dhaawacantay gantaal ku dhacay gobolka Eshkol ee koonfurta Israa’iil, sida laga soo xigtay adeegga gawaarida gurmadka deg deg ah ee...

Facebook Feed

Twitter Feed