Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Guri ku yaal degmada Raaga-ceelle ee gobalka Shabeellaha dhexe, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Warar kasoo baxayay weerarkaas ayaa waxaa ay sheegayeen in Al-Shabaab ay Nolosha ku kaxeysteen Nin ahaa Nabadoonkii degmada oo lagu Magacaabo Axmed Jilcane, hayeeshee War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay dileen Ninkaas, isla markaana uu ahaa Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Warar lagu daabacay Baraha Internetka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la gubay Laba Gaari oo NOHA ah oo uu lahaa Nabadoon Axmed Jilcane.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Raaga-ceelle iyo Saraakiisha Ciidamada kama hadlin weerarkaas, waxaana dadka degmada qaarkood ay sheegeen inay cabsi soo wajahday.

Degmada Raaga-ceelle iyo degmooyin kale oo dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro ay geysteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo howlgallo ay fuliyeen Ciidamada Kumaandoosta DANAB.

RELATED ARTICLES

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Ciidanka Xooga Oo Hawlgalo Ka Fuliyay Degaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo saacadihii la soo dhaafay  howgallo ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali...

Facebook Feed

Twitter Feed