Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Weerar lala beegsaday Askar Kenyan ah iyo khasaaro ka dhashay

Weerar lala beegsaday Askar Kenyan ah iyo khasaaro ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaano ka tirsan Gobolka Mandheera ee dalka Kenya ku dhex-maray Ciidamada Kenya & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qarax ku bilawday oo jidgal ahaa ku qaadeen  Gaadiid ay wateen Ciidamada Kenya oo ku socdaalayay wadada u dhaxeeysa deegaanada Taagaabo iyo baanisa ee gobalka Mandheere.

Dadka degaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa u sheegay Warbaahinta Gudaha in dagaalka ka hor ay maqlayeen dhawaqa jug culus oo u muuqatay qarax lala eegtay Gadiidka Ciidamada Kenya oo mararka qaar howlgallo ka sameeyay Xadka Soomaaliya.

Al-Shabaab oo sheegtay weerarka ayaa arar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera waxaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay 13 isugu jirta Saraakiil & Askar Kenyan ah Gaariana lagu gubay wallow aysan jirin dad madax banana oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari weli oo ka hadlay weerarkaas ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in weerarka ay uga dhinteen Saddex Sarkaal saddex kalena ay uga dhaawacmeen.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed