Friday, June 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Weeraro ka dhacay magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo

Weeraro ka dhacay magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay xalay weeraro kala duwan oo khasaaro geystay ka fuliyeen Magaalooyinka Muqdisho iyo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaxda kadib markii weerar bambaano lagu qaaday saldhiga Booliska degmada kaxda ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka bambaano kadib uu dhacay dagaal dhex-maray kooxihii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada Booliska saldhiga degmada Kaxda oo iska caabiyay, sidoo kale uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.

Dhinaca kale Bam Gacmeed ayaa lagu weeraray  isgoyska Boqoleyda oo ka mida Xaafada Bardaale ee Magaalada Baybadho, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka weerarkaas laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in rasaas ay fureen Ciidamada Bamka lagu weeraray ay ku geeriyoodeen laba ruux halka 5 ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ah dad rayid ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo garaya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Magaalada ay saakay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxihii ka dambeeyay weerarkaas.

RELATED ARTICLES

Aqriso;- Shan arrimood oo uu ballan-qaaday Cabdikariim Axmed Mooge – Maayirka cusub ee Hargeysa

Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ayaa shalay ugu dambeyntii Maayirka caasimada u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani, xilkaas...

Tirada;- Gabdhaha Soomaalida ee lagu la’yahay Nairobi oo korortay iyo wararkii ugu dambeeyay

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay gabdhaha Soomaalida ah ee lagu la’yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo qaarkooda lacag badan oo...

Koox- wadada Maka Al-Mukarama ka billaabay dhac ku cusub Muqdisho

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo badanayey dhaca dadka shacabka ah loogu geysto magaalada Muqdisho, waxaana labadii berri ee u dambeeyay kusoo korortay dhaca loo...

Facebook Feed

Twitter Feed