Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Caafimaad-ka WHO oo soo saartay baaq ku aadan cudurka Karoonaha

WHO oo soo saartay baaq ku aadan cudurka Karoonaha

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in dhammaan shaqaalaha caafimaadka iyo dadka da’da ah ee ku nool guud ahaan adduunka xilligan laga tallaali lahaa xanuunka coronavirus haddii tallaalka loo qeybin lahaa si siman.

Xilli uu dirayay baaq ah in tallaal dheeri ah lala soo gaaro dalalka saboolka ah, ayaa Tedros Adhanom Ghebreyesus wuxuu sheegay in dowladaha tallaalaya dadka khatarta yar ugu jira xanuunka aydoor ku leeyihiin in dadka kale ee nugul ay waayaan.

Wuxuu sheegay in sinnaan la’aan qeybinta tallaalka ay xumeyneyso xaaladda xanuunka safmarka ah.

Dr Tedros ayaa sheegay inay tahay dunidu ay hiigsato in ugu yaraan dal walba laga tallaalo boqolkiiba toban wixii loo gaaro September, tiradaasna la gaarsiiyo 30% wixii loo gaaro dhammaadka sanadka.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed