Friday, June 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Xarakada Al Shabaab oo weeraren goob ay ku sugnaayeen Ciidamo Kenyan ah

Xarakada Al Shabaab oo weeraren goob ay ku sugnaayeen Ciidamo Kenyan ah

Xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Kenya oo ku taal degaan Waqooyiga ka xiga Magaalada Mandhera.

Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab ay soo weerareen boosteejo basaska laga raaco oo ku taal tuulada  Olla ee duleedka Magalada Mandheera, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Booliska Kenya oo Basaska ilaalo ka hayay & Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka ka dhacay Tuulada Olla uu ku dhintay Imaam Masjid oo lagu Magacabi jiray Imaam Maalim Cabdullaahi hallka ay ku dhaawacmeen laba ka tirsan askarta Booliska Kenya.

Al-Shabaab ayaa dhankooda oo weerarka ka hadlay ayaa sheegtay inay dileen 3 Askari sidoo kalena ay soo furteen 5 Qori, isla markaana muddo kooban ay la wareegeen degaanka Olla oo Waqooyiga ka xiga Magaalada Mandheera.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro kala duwan ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari, waxaana dowladda Kenya ay sheegtay inay ka hortageyso weeraradaas, hayeeshee ay weli yihiin kuwo sii socda.

RELATED ARTICLES

8 qaab oo loo seexdo haddii dhabarka uu ku xanuunayo

Haddii si joogto ah aad u dareemeyso dhabar-xanuun, waxay u badan tahay in hurdada ay dhib kugu noqoto. Cilmi-baaris lagu daabacay Wargeygka ka hadla Caafimaadka...

4 xeeladood isticmaal haddaad xiriir haasaawe la leedahay qof aad isla shaqeysaan

Waqti badan ayaan ku qaadannaa goobta shaqada maalin walba.  Daraasado dhowr ah ayaa muuhiyay in tiro badan oo ka mod ah dadka isla shaqeeya ay...

Aqriso;- Shan arrimood oo uu ballan-qaaday Cabdikariim Axmed Mooge – Maayirka cusub ee Hargeysa

Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ayaa shalay ugu dambeyntii Maayirka caasimada u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani, xilkaas...

Facebook Feed

Twitter Feed