Thursday, May 6, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Xiisad horseedi karta iska hor-imaad oo ka taagan xarunta gobolka Banaadir

Xiisad horseedi karta iska hor-imaad oo ka taagan xarunta gobolka Banaadir

Waxaa sii xoogesatay xiisad iyo is faham waa muddo dheer u dhaxeeya ciidan ka titsan booliska Soomaaliya oo ilaalo ka haya xarunta dowladda Hoose ee Xamar iyo ciidanka ilaalada u ah guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho. 

Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha iyo ciidanka booliska ee ku sugan xarunta gobalka ayaa wardeeq news u sheegay in todobaad ka hor ay dhacday halis weyn kadib markii ay is qabteen labada ciidan, taas oo sababi gaartay in xarunta lagu dagaalamo. 

Ciidanka la socda duqa magaalada oo ah kuwa aad u hubeysan ayaa u badan kuwa xigtidiisa ah oo ah maleeshiyadii uu haysan jiray markii uu ahaa hoggaamiye kooxeedka, waxaana la sheegay in ay dhowr jeer u hanjabeen ciidanka booliska ee halkaasi ku sugan. 

Labadaan ciidan ayaa isku qabtay marar badan hab maamulka amniga xarunta oo aan saldhigan tan iyo markii la dilay duqii hore ee saraakiil kale.

Cumar Filish ayaa kadib dilkii Allaha u naxariistee Injineer Yariisow ka aamin baxay ciidamada dowladda, wuxuuna wataa ciidan awood badan oo kasoo jeeda beesha Daa’uud ee uu ka dhashay halka ciidankii booliska ay iyagana weli joogaan xarunta.

Ciidamada Filish oo inta badan shaki qaba ayaa la sheegay inay marar badan ku amar taagleeyeen ama si aan wanaagsaneyn ula dhaqmeyn ciidamada booliska, taasi oo ah sababta mar kasta dhalisa xiisadda.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in ilaa hadda aysan jirin cid arrintaan wax ka qabatay islamarkaana ay keeni karto in goobtaasi lagu dagaalamo.

RELATED ARTICLES

Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo uu hoggamiyaha ka yahay Musharax...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska Carruurtii...

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka howlgal Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka...

Facebook Feed

Twitter Feed