Friday, April 23, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Geeriyooday

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Geeriyooday

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa saakay ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay, hayeeshee waxaa la sheegay in xanuunkii haayay uu saakay u dhintay.

Geerada Marxuum Maxamed Maxamuud ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, iyagoona tacsi u diray qoyskiisa.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka Maxamuud Boonow ayaa  waxaa uu sidoo kale ahaa Wasiiru dowlihii Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

Waxaa uu golaha shacabka ka tirsanaa tan iyo 2012, waxaa uu Wasiir ka soo noqday dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee KMG aheyd. Allah u naxariitee, Eng. Maxamed Maxamauud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano degaanada Koofur Galbeed.







RELATED ARTICLES

Imaaraadka Carabta oo baabuur dagaal kasoo dejiyey garoonka Boosaaso

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland ugu deeqday gadaadiid kuwa dagaalka ah, oo toddobaadkan laga soo dejiyey magaalada Boosaaso, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay...

Khubarada deegaanka ayaa sheegaya in soo jeedinta cimilada ee AMLO ay dib ugu celinayso

Soo-jeedimaha uu Madaxweyne López Obrador ku soo bandhigay Khamiistii Shirweynihii Hoggaamiyeyaasha toddobaadkan ee Cimilada ma ahan kuwo halis ah, oo ku saleysan fikrad ka...

Aqoonyahan Hindi Mareykan ah ayaa ka codsaday Mareykanka in loo diro AstraZeneca Jabs Hindiya

Tirada infakshanka maalinlaha ah ee waddanka ayaa gaadhay meeshii ugu sarraysay, iyada oo in ka badan laba lakh COVID-19 xaaladood la duubay maalin kasta...

Facebook Feed

Twitter Feed