Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Xubno Al-Shabaab ahaa oo lagu laayey SH/ HOOSE

Xubno Al-Shabaab ahaa oo lagu laayey SH/ HOOSE

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii lasoo dhaafay howl-gal qorsheysan ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Sh/ Hoose, halkaas oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Howl-galka ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Ugunji, kadib markii ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xog-ku aadan weerar ay kooxda Al-Shabaab kasoo abaabuleyso halkaasi, kadibna ay weerar ku qaadeen, si ay uga hortegaan duulaanka kusoo socday.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay dileen ugu yaraan 11 dagaalame, isla-markaana ay gubeen gaari Cabdi Bile ah oo loo diyaarinayey fulinta weerarkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey weeraro geystay khasaare kala duwan, iyada oo ay xoogeysteen dhaq-dhaqaaqyada ka jira gobolkaasi.

RELATED ARTICLES

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Ciidanka Xooga Oo Hawlgalo Ka Fuliyay Degaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo saacadihii la soo dhaafay  howgallo ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali...

Facebook Feed

Twitter Feed