Tuesday, May 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

SAMIRKA IYO DULQAADKA ISLAAMKA

Q. 45aad.

Sabirka ama u adkaysiga xaalad ku timi doorasho balse natiijo xun oo wayn keentay
Tusaale ahaan, jacaylka, bilowgiisa qofka ayaa doorta laakiin hadii uu fido waxa uu keeni karaa in taladu faraha ka baxdo oo qofku aanu is xakamayn Karin. Sidoo kale, qof waxa laga yaabaa in xanuun halis ah ay ku keento cabista sigaarka ama qaadashada maandooriye kale, balse ay ku adag tahay inuu joojiyo. Dadka waxa la gudboon in ay marka ugu horaysaba iska caabiyaan duruufahaasi inta aanay noqonin qaar awoodooda ama faraha ka baxay.
Tiirka Sideedaad

Waa Sidee Nooca
Sabir ee Ugu Adagi?

Nooca sabirka ugu adag ee ah in la iska joojiyo dabeecado ama caadooyin, waxa ay ku xidhan tahay hadba halka uu qofku ka xoogan yahay marka loo eego doonista nafta iyo raacista hawadeeda iyo awooda qof ee uu ficil ku sameeyo oo su,aali ka taagan tahay.
Qofkasta oo aanay naftiisu doonayn in ay wax disho, xado ama cabto khamri iyo wax kale oo la mid ah oo aanu hore u samayn way u fududahay in uu sabir u helo uu kaga adkaado naftiisa in ay ka fogaato waxyaalahaas. Qofkasta oo hawada naftiisu ku xoog badan tahay samayntoodana una hiloobayso samayntooda iyadoo sabab u haysata way ku adag tahay inuu iska daayo caadooyinkaas.
Sidaas darteed, aad ayay ugu adag tahay qof xaakim ahi inuu ka fogaado cadaalad daro iyo dulmi, waanay ku adag tahay nin dhalinyaro ahi inuu iska ilaaliyo xumaan sidaad si la mid way ku adag tahay ninka maal qabeenka ahi inuu ka fogaado doonista waxyaalaha quruxda badan iyo xiisaynta muuqaalada wanaagsan ee farxada leh.
Nabiga N.N.K.A waxa laga wariyay inuu yidhi, ilaahay ayaa xusa qof dhalinyaro ah oo aan waligii samayn xumaan waxa wariyay Axmed. Xadiis kale, waxa uu sheegayaa in qofkaasi ka mid yahay kuwa hadhsanaya hadhka ilaahay maalinta aan hadhkale jirin sababtuna waa sabirkooda fiican dartiis– sidaas ayaa sabirka ama dulqaadashadu u tahay cidhibta xukun ee xaalad kasta, iyada oon la raacayn qofna dareenkiisa tusaale ahaan;

Fadlan share

RELATED ARTICLES

Khasaaro Ka Dhashay Gantaallo Ku Dhacay Koonfurta Israa’iil

Toban qof ayaa ku dhaawacantay gantaal ku dhacay gobolka Eshkol ee koonfurta Israa’iil, sida laga soo xigtay adeegga gawaarida gurmadka deg deg ah ee...

Facebook Feed

Twitter Feed