Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Arrimaha Bulshada 14 qaab-fikir xun oo ay tahay in aad iska ilaaliso

14 qaab-fikir xun oo ay tahay in aad iska ilaaliso

Fikir xumada waa qaab aragti ah in qofka uu xumaan iyo dhibaato ka dhex raadiyo waxkasta, ama yareynta filashada wanaagsan – iyagoo maleynaya in dhibato xun ay soo socoto.

Xaaladaha qaar, waxaa oga dhex muuqanaya caqabado iyo dhibaatooyiin ba’an ee dhici kara, halkii ay inta wanaagsan eegi lahaayeen.

Xaaladaha fikirka xun wuxuu mararka qaar sababaa niyad-jab. Balse fikir-xumada waxay dhiiragelisaa shaki keeni kara walwal, walbahaar iyo murugo xun oo wakhti badan qaata.

Arrinta wanaagsan ee middaa ka soo horjeeda waa fikir iyo niyad wanaagga iyo dabeecadaha iyo dhaqamada wanaagsan in lagu wajoho xaalad kasta.

Tusaalooyiinka ugu badan ee fikir-xumada

  • Qofka fikirka xun ee lacagta haysta waxay la tahay in qof kasta uu wax ka rabo – wuxuu ku fikiraa in uu ka qarsado xitaa qoyskiisa. “Qof kasta lacag buu iga rabaa”, waa waxa maskaxda oga xiran.
  • Meel cusub – xittaa shaqo mushaar badan haddii ay tahay – xumaan iyo dhibaato ayuu ka fishaa. Wadada cusub ee uu mari doono, in gunnada qaar ay ka yaraato iyo barashada dad cusub waa walwalka ugu wayn ee uu dareemo qofka fikirka-xun.
  • Haddii wax wanaagsan loo qabto ama uu helo – sida guri wayn – wuxuu ka walwalaa qarashka korontada iyo cowska ka soo bixi doona, hadlkii uu eegi lahaa nolosha raaxada leh!
  • In uu caan noqdo oo dhaqaale badan yeesho ma jecla – walwalka ugu wayna ee haystana waa in dad badan ay bartaa, ka fikiro dhaqaalaha iyo dadka u shaqeyn doona.
  • Gaari wanaagsan in uu ku socda ma jecla, dadka watana wuu ka maseyraa – Naftiisana wax uma ogola, dadka kalena uma quuro!
  • Waxbarashada ka dib – xitaa haddii jaamacadda ugu wanaagsan uu ka baxay – ma rabo shaqo wanaagsan oo lacag fiican leh. Wuxuu ka baqayaa in dadka kale ay lacag waydiistaan.
  • Qof aan xaywaanada jaclayn – wuxuu neceb yahay qeyladooda iyo dhaqdhaqaaqooda xitaa.
  • Ma jecla goob shaqo oo wanaagsan oo ka shaqeysa hormarka shaqaalaha – wuxuu ka doorbidaa in hal meel uu ka shaqeeyo oo meeshaas iska fadhiyo muddo sanado ah. INtaas ayaaba ku badan!
  • Haddii magaalada la keeno, wuxuu ka baqaa tuugada iyo burcadda ama lagu xad-gudbo – sidaa darteed, wuxuu ku noolaadaa miyiga.
  • Qabow iyo kuleyl meel u wanaagsan ma jirto – Xilli kasta oo cilimada is bedesho waa qof ka calaacalaya oo dacwo ah. Ma jirto mar uu hawada ku farxayo.
  • Waa qof neceb in uu meel wanaagsan ku seexdo – qol wayn, ama sariir wayn ma ogola, wuxuuna oga cararayaa qarash dartii ama arrimo aanba muhiim ahan.
  • Safarada dhaadheer laguma karo. Wuxuu ku nacayaa arrimo aanba wax wayn ahayn, sida hurdo yaraan ama qeylada rakaabka kale ee la safraya.
  • Cunto kasta oo loo kariyo waa qof wax ka sheega – ma lahan qanaaco, mana lahan awood uu qof kale ku amaano ama ku bogaadiyo. Abaal kasta oo aad u gasho ma gudo!
  • Waa qof su’aal ka qaba waxyaabaha casriga oo dhan. Waxay la tahay in barashadooda dhib tahay, ama wakhti ay ka qaadanayaan – xitaa haddii faa’iido ay ugu jirto.
RELATED ARTICLES

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama...

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Twitter Feed