Friday, June 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Barnaamij-yada 15-ka qof ee ugu taajirsan Afrika iyo dalalka ay u kala dhasheen

15-ka qof ee ugu taajirsan Afrika iyo dalalka ay u kala dhasheen

Wax ka baro 15-ka qof ee ugu hantida badan qaaradda Afrika, sida ku cad liiska taajiriinta ee la sameeyay sanadkan 2021.

Waxaan sidoo kale xogta ku sheegi doonnaa da’dooda iyo dalalka ay u kala dhasheen.

Marka marka ka dambeysa waxaa si xowli ah usii kobcaya dhaqaalaha qaaradda Afrika oo dadka falanqeeya arrimaha ganacsiga ay ku tilmaameen horumar mucjiso ah.

Haddaba yaa hoggaaminaya taajiriinta qaaradda?

15- Othman Benjelloun

How Practicing Yoga Benefits Your Health
5 Ways In Which You Can Reduce Your Electricity Consumption
10 Hostels that are Cooler than Hotels
5 Best Moves To Prevent And Ease Back Pain

Ninkan wuxuu u dhashay waddanka Morocco, da’diisuna waa 88 sano.

Hantidiisa waxaa sanadkan 2021-ka lagu qiyaasay lacag dhan $1.3 bilyan oo doolar.

Waa maamulaha Bangiga ganacsiyada dibadda ee dalka Morocco.

14- Youssef Mansour

Waa maal qabeen u dhashay waddanka Masar, oo 75 jir ah.

Hantidiisa waxaa lagu qiyaasay adduun lacageed oo gaadhaya $1.5 bilyan oo doolar, qiimeynta la sameeyay 2021-ka.

Mansour waa guddoomiyaha shirkadaha ganacsiga qoyskiisa ee Mansour Group, taasoo uu aabihiis aasaasay sanadkii 1952-kii.

13- Mohammed Dewji

Wuxuu u dhashay waddanka Tanzania, da’diisuna waa 45 sano oo kaliya.

Lacagta uu heysto waxaa sanadkan 2021-ka lagu qiyaasay 1.6 bilyan oo doolar.

Ninkan waa milkiilaha shirkadda lagu magacaabo METL (Mohammad Enterprises Tanzania Limited).

12- Aziz Akhannouch

Waa 60 jir u dhashay waddanka Morocco.

Lacagta uu heysto waxaa lagu sheegay 2 bilyan oo doolar kaddib qiimeyntii la sameeyay sanadkan 2021-ka.

Aziz Akhannouch waa wasiirka Beeraha iyo Kalluumeysiga ee dalka Morocco, sidoo kalena waa ninka saamiga ugu weyn ku leh shirkadda Akwa, oo uu aabihiis aasaasay sanadkii 1932-kii.

11- Mohamed Mansour

Wuxuu u dhashay waddanka Masar, da’diisuna waa 72 sano.

Lacagta uu heysto waa 2.5 bilyan oo doolar, qiimeyntii la sameeyay 2021-ka.

Waxay walaalo yihiin ninka kaalinta 14-aad ku jira, isaguna sidoo kale wuxuu qeyb ka yahay maamulka shirkadda Mansour Group ee qoyskiisa ay leeyihiin.

10- Koos Bekker

Maal qabeenkan wuxuu u dhashay waddanka Koonfur Afrika, da’diisuna waa 68 sano.

Lacagta uu heysto, sida lagu xusay qiimeynta 2021-ka, waa $2.8 bilyan oo doolar.

Koos Bekker wuxuu leeyahay shirkadda Warbaahinta Koonfur Afrika ee Naspers.

Waa shirkadda ugu suuqa weyn marka laga soo tago dalalka Shiinaha, Mareykanka iyo Hindiya.

9- Patrise Motsebe

Waa taajir kale oo u dhashay isla waddanka Koonfur Afrika.

Da’diisu waa 58 jir. Lacagtiisa waxaa sanadkan 2021 lagu qiyaasay $3 bilyan oo doolar.

Ninkan wuxuu hanrida ka sameeyay qodashada macdanta.

8- Naguib Sawiris

Wuxuu u dhashay waddanka Masar, da’diisuna waa 66 sano.

Hantida uu heysto sanadkan 2021 waxaa lagu qiyaasay lacag dhan $3.2 bilyan oo doolar.

Naguib wuxuu kasoo jeedaa mid ka mid ah qoysaska ugu taajirsan dalka Masar. Shakhsi ahaan wuxuu u leeyahay shirkad isgaarsiineed.

7- Issad Rebrab

Wuxuu u dhashay waddanka Algeria, da’diisuna waa 77 sano.

Hantida uu heysto sanadkan 2021 waxaa lagu qiyaasay lacag dhan $4.8 bilyan oo doolar.

Rebrab wuxuu hantidan ka sameeyay shirkaddiisa cuntada ee Cevital oo uu aasaasay sanadkii 1998-kii.

6- Abdulsamad Rabiu

Wuxuu u dhashay waddanka Nigeria, da’diisuna waa 60 sano.

Lacagta uu heysto sanadkan 2021 waa $5.5 bilyan oo doolar.

Abdulsamad wuxuu ka mid yahay ganacsatada ugu caansan waddanka Nigeria.

5- Mike Adenua

Waa maal qabeen u dhashay isla waddanka Nigeria, da’diisuna waa 67 sano.

Lacagta uu heysto sanadkan 2021 waa $6.1 bilyan oo doolar.

Ninkan wuxuu leeyahay shirkadda isgaarsiinta ee Globacom, oo ay ku xiran yihiin 43 milyan oo ruux.

4- Johann Rupert

Wuxuu u dhashay waddanka Koonfur Afrika, da’diisuna waa 70 sano.

Lacagta uu heysto waxaa sanadkan 2021 lagu qiyaasay $7.3 bilyan oo doolar.

Ninkan wuxuu hantidaas ka sameeyay shirkad ganacsi oo iibisa dharka iyo saacadaha.

3- Nicky Oppenheimer

Wuxuu u dhashay waddanka Koonfur Afrika, da’diisuna waa 75 sano.

Lacagta uu heysto waxaa sanadkan 2021 lagu qiyaasay $8 bilyan oo doolar.

Nicky wuxuu kasoo jeedaa qoys maal qabeenno ah oo ganacsiyo badan ku leh waddankaas, haddana waa qofka ugu taajirsan Koonfur Afrika.

2- Nassef Sawiris

Wuxuu u dhashay waddanka Masar, da’diisuna waa 59 sano.

Lacagta uu heysto waxaa sanadkan 2021 lagu qiyaasay $8.12 bilyan oo doolar.

Sida labadiisa walaal ee kala ah Naguib iyo Samih, Nassef isaguna wuxuu ku jiraa liiska dadka ugu taajirsan qaaradda Afrika.

1- Aliko Dangote

Qofka ugu taajirsan guud ahaan qaaradda Afrika xilligan waa Aliko Dangite oo u dhashay waddanka Nigeria.

Da’diisu waa 63 sano.

Hantidiisa waa $11.3 bilyan oo doolar, sida lagu sheegay qiimeyntii dhaqaalaha ee la sameeyay sanadkan 2021-ka.

Inta badan hantidiisa wuxuu ka sameeyay ganacsiga saliidda iyo shamiitada.

RELATED ARTICLES

Aqriso;- Shan arrimood oo uu ballan-qaaday Cabdikariim Axmed Mooge – Maayirka cusub ee Hargeysa

Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ayaa shalay ugu dambeyntii Maayirka caasimada u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani, xilkaas...

Tirada;- Gabdhaha Soomaalida ee lagu la’yahay Nairobi oo korortay iyo wararkii ugu dambeeyay

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay gabdhaha Soomaalida ah ee lagu la’yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo qaarkooda lacag badan oo...

Koox- wadada Maka Al-Mukarama ka billaabay dhac ku cusub Muqdisho

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo badanayey dhaca dadka shacabka ah loogu geysto magaalada Muqdisho, waxaana labadii berri ee u dambeeyay kusoo korortay dhaca loo...

Facebook Feed

Twitter Feed