Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Xildhibaan Cabdiraxmaan Kamaal Shiikhaay oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka ee Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa ku weeraray afaafka hore hoygii uu ka deganaa xaafadda Siliga, qaybteeda Degmada Wadajir, halkaasoo sida la sheegay ay ku dileen.

Wararka aya sheegaya in raggii dilkaasi gaystay ay ka baxsadeen goobtaasi, ka hor intii aanay gaarin Ciidamada Booliska ee degmadaasi ka hawlgala.

Ciidamada Booliska ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaan aysan cidina ugu soo qaban dilkaasi, iyagoo dhanka kalena ka qaaday meydka marxuumka.

Laamaha ammaanka ayaan ka hadlin dilkan ugu dambeeyay ee caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi.

Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Warsheekh, Xasan Xaaji Maxamed (Darafey) ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Cabdiraxmaan Kamaal loogu gaystay Caasimadda Muqdisho.

Falalka amni-darrada ayaa muddooyinkanba ku soo badanayay Magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

Farmaajo iyo Rooble oo cambaareeyay ismiidaamintii Saraakiisha lagu dilay

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay weerarka ismiidaaminta ee ka dhacay afaafka hore ee Saldhigga Booliska...

Wararkii Ugu Dambeeyay ismiidaamin Xalay Ka Dhacday Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay wadada mashquulka badan Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Nin isa soo...

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Facebook Feed

Twitter Feed