Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Barnaamij-yada 3 shay oo ka maqan noloshaada iyo sababta ay muhiim ugu yihiin...

3 shay oo ka maqan noloshaada iyo sababta ay muhiim ugu yihiin guusha

In aad guul gaarto oo noloshaadana ay hormarto waxaa laga saadaaliyaa dhaqamadaada maalinlaha ah. Haddaba, waxa aad sameyneyso waxay kuu horseedayaa guul ama guul darro.

Nin ku taqasusay arrimaha Cilmu-nafsiga oo lagu magacaabo Samuel Johnson, wuxuu yiri: “Silsiladaha dhaqamada ah, aad ayey u fudud yihiin oo lama fahmo, haddana aad ayey u adag tahay in la jebiyo.”

Dad badan waxay jecel yihiin in ay noqdaan qofka ugu wanaagsan. Waxay doonayaan in ay  helaan caafimaad wanaagsan, maskax fayow oo awood leh, wax soo saar wanaagsan iyo hal-abuur, iyo in ay yeeshaan dabeecado aad u fiican, si ay guul u gaaraan.

Balse, kuwa sida joogto ah u raaca dhibaatada iyo dhaqamada xunxun, way khasaaraan. Waxay ku celceliyaan dabeecado aan wax faa’iido ah u lahayn noloshooda.

Warka wanaagsan wuxuu yahay, haddii aad ka mid tahay kuwa dhika uu haysto, waad is bedeli kartaa. Waxaad raacdaa tallaabooyiinkan oo keli ah:

1-      In aad naftaada barato waa sida gaashaanka difaacaha rasaasta

Qof kasta oo bini-aadamka ka mid ah wuxuu leeyahay waxyaabo u gaar ah oo aad uu ugu wanaagsan yahay. Waa arrimo loogu talagalay in ay horseed u noqdaa guusha oo nafta keli ah ay og tahay.

Haddaba, sidii aad waxaas isaga soo saari lahayd una ogan lahayd kartidaada waxay ku xiran tahay aqoonta aad naftaada u leedahay.

Waxyaabo badan oo dunida aad ku soo kordhin karto ayaa jiraan. Ujeedada barashada naftaada iyo kordhinta aqoontaada guud waa hormar, sidoo kale maskaxda ayaa ka kobceysaa, si ka duwan qaabta uu jirkaaga u kobco.

Koboca iyo hormarka degdegga ah ee dunida ayaa shaqada caalamka ka dhigay mid foorarta. Dad badan waxay u baahan yihiin wax dhaafsiisan howlkarnimo, si ay dunidan casriga ah ugu dhex badbaadaan.

Dunida sida degdegga ah isu bedeleysa waxay u baahan tahay dad si fudud ula qabsan kara oo ugu dhex milmi kara. Dadka sida fudud ula qabsan kara waa kuwa baran kara xirfado cusub.

Haddaba, weli wakhti ayaad haysataa eek a fikir waxyaabaha wanaagsan iyo kartida kugu qarsoon, bannaankana u soo saar sidii aad oga faa’ideysan lahayd.

2-      Sameynta waxyaabo isku mid ah maali n kasta, waxaad ka heleysaa faa’iidada 10-laab

Si wanaagsan horey ugu hore; si fiican wax u baro; raashiin caafimaad leh cun; si wanaagsanna u naso – Waa qaabka u dhowaanshaha guusha.

Hormar ma gaari kartid, haddii aadan sameysanin dhaqamo isku mid ah oo wanaagsan oo si maalinle ah u sameneyso. Arrintaas waxay kaa caawineysaa in aad kala garato waxa aad dooneyso iyo waxa muhiimka kuu ah.

Waxa aad subax kasta sameyneyso waa meesha laga garto guusha ama khasaaraha ku soo gaaraya. Dabeecadaha subixii waa kuwo is celiya oo adigana ku dhaqaajiya ama dib kuu dhiga.

Waxaad u baahan tahay in aadan is bedbedelin, si aad ugu guuleysato yoolkaaga, si caqliyeysan, ama cilmiyeysan ama xeeladeysan.

Dabeecadaha ugu wanaagsan waxay kaa dhigayaa qof wax soo saar leh, kuna faraxsan in uu guul gaaro, si maalin le ah.

Si taas aad ugu guuleysato, habeenkii sii qorsheyso waxa aad maalinta soo socoto sameyn doonto – Insha Allah.

Shaqada aaad qabaneyso, waxa aad ka fileyso in ay ka soo baxaan, iyo awoodda aad u baahan tahay inta ay gaarsiisan tahay.

3-      Kala saar noloshaada gaarka ah ah iyo shaqada – waa maareynta walwalka iyo xoojinta maskaxdaada

Sida maalinlaha ah ee aan u shaqeyso ayaa si wayn isu bedeshay dhowaanahan – gaar ahaan, siduu u bilowday cudurka coronavirus. Waxaa suuragal ah in isbedelkaas uu noqdo mid abid ah.

Nolosha iyo shaqada ayaa si wayn isugu sii dhex lifaaqmaya. Qaabka shaqada ayaa isbedelaya, waxaana dhici karto in mustaqbalka ay sidaas ka sii duwanaato.

Sida loogu tiirsan yahay teknolojiyadda iyo ka soo shaqeynta meelo ka baxsan xafiiska – adigoo qaban kara wax kasta oo aad u baahato – waa qaabka casriga ah ee saameynta keenay.

Arrimaha ugu way nee arrintaas ay sababi karto waa in aad isku dhex darto noloshaada gaarka ah iyo shaqadaada. Isu dheellitirnaan la’aanta waxay keeneysaa walwal iyo dhibaato.

Noloshaada iyo shaqadaada ayaa is dhex soconaya. Taas waxay dhibato ku noqoneysaa caafimaadkaaga.

In aad sameysato wax kala xadida shaqadaada iyo noloshaada gaarka ah waa mid ka mid ah aadaabta ugu muhiimsan ee aad u baahan tahay in aad u sameyso noloshaada.

Waxaad u baahan tahay in jir iyo maskax ahaanba aad ka dhex baxdo shaqada mararka qaar, wakhtina u hesho qoyskaaga iyo naftaada.

Ma ahan in naftaada aad ciqaabto si aad guul u gaarto. Kala caddee waxa sida maalin laha aad u sameyneyso iyo xilliyada aad ka nasaneyso shaqada.

Si aad u guuleysato waxaad u baahan tahay barashada maareynta wakhtigaaga – waxbaridda naftaada – iyo hormarinta xirfadahaaga.

Sameyso dhaqamo maalinle ah oo joogto ah oo aad u wanaagsan – waa aasaaska ugu muhiimsan ee dhanka wax soo saarka ee maalinta. Waana in taas ay qeyb wayn ka tahay xuduudda u dhexeysa shaqada iyo noloshaada gaarka ah.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed