Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Taliska Ciidanka Booliska oo Shaaciyay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxa

Taliska Ciidanka Booliska oo Shaaciyay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxa

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin guud ka bixiyay khasaaraha  dhimasho midka dhaawac iyi midka hantiyadeed ee ka dhashay qaraxa  Gaariga loo adeegsaday ee lagu weeraray Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan (Duudishe) oo Shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Taliyaha qaraxa lagu weeraray xilli uu karayay wadada ka leexatay Isgoyska Banaadir ee aada dhinaca Isbitaalka Banaasir, isla markaana uu ka badbaaday.

Waxaa uu sheegay in qaraxa ay ka dam eeyeen Al-Shabaab ayna doonayeen inay ku dilaan Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, balse uu ka badbaaday, waxaana uu sheegay inay qaraxa ku dhinteen 5 Ruux oo Shacab ah, 9 kale ay ku dhaawacmeenn ,sidoo kale uu jiro dad farabadan oo ka burburtay hantidooda.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa Ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray Kolonyada uu watay Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qarooel, iyaga oo sheegay inay askar farabadan ku dileen.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed