Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Maxay kawada hadleen midowga musharixiintu iyo gudoomiyaha gudida doorashooyinka soomaaliya.

Maxay kawada hadleen midowga musharixiintu iyo gudoomiyaha gudida doorashooyinka soomaaliya.

Golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal, waxayna labada dhinac ka wada-hadleen qabsoomida arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulankan oo saacado qaatay ayaa waxaa goobjoog ahaa Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) guddoomiyaha guddiga doorashooyinka iyo inta badan xubnaha midowga musharraxiinta, sida Xasan Sheekh Maxamuud, C/qaadir Cosoble & Xasan Cali Khayre.
Inta uu kulanka socday ayey labada dhinac ku kala warbixino qaateen, iyaga oo is dhaafsaday howlaha socda iyo kaalinta bannaan ee u baahan in la buuxiyo.

Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho guud oo lagu kalsoon yahay, isla-markaana u dhacda si cadaalad ah.
Musharraxiinta mucaaradka ayaa dhankooda waxa ay ballan-qaadeen inay gacan weyn ka geysan doonaan sidii ay doorashada u noqon laheyd mid u dhacda xor iyo xalaal.
Dhankiisa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo maalmihii dambe waday kulamo wada-tashi ah ayaa shaaca ka qaaday inay gudan doonaan waajibaadka loo igmaday ee ka saaran doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya sanadkan aynu ku jiro ee 2021-ka.

Si kastaba, waxaana haatan la guda-galayaa doorashada dalka, iyada oo lagu hormarayo soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo horay madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay heshiis rasmi ah uga gaadheen doorashada

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...