Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Gudidii dib u heshiisiinta gobolka gedo oo gaadhey garbahaarey +sababta.

Gudidii dib u heshiisiinta gobolka gedo oo gaadhey garbahaarey +sababta.

Guddiga dib u heshiisiinta ee Gobolka Gedo ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta gaaray Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolkaas.

Guddiga oo ka kooban xubno ka kala socdo Maamul Goboleedyada dalka marka laga reebo kan Jubaland ayaa Magaalada Garbahaarey ka bilaabay la tashiyada ku aadan sidii dib u heshiisiin looga dhex abuuri lahaa bulshada gobolka.

Wada-hadalada ka bilowday Garbahaarey ayaa waxaa saldhig u ah sidii Magaalada Garbahaarey loogu diyaarin lahaa qeybgalka doorasho loo dhan yahay oo lagu qabto magaaladaas.

Tagitaanka guddigaan ee Garbahaarey ayaa kuso aadayo xilli Maamulka Gobolka Gedo ee taagersan Farmaajo ay sheegeyn inuusan wax xidhiidh ahi kala dhaxeyn madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, islamarkaana ay fursad siinayaan inta uga hadhey waqtigiisa, oo ay ku sheegeen illaa bisha soo socota August.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Maxamed (Canjeex) oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in maadaama uusan xidhiidh ka dhaxeyn maamulkiisa iyo maamulka Kismaayo, aysan aqbali doonin guddiga doorasho oo heer maamul-goboleed ah oo laga soo magacaabay magaalada Kismaayo.

Khilaafka ka taagan kuraasta yaa Gobolka Gedo ayaa kamid ah sababaha dib u dhigaya doorashada Soomaaliya, waxaana hadda laga war sugayaa natiijada kasoo baxdo dadaalada ay wadaan guddiga uu Rooble magacaabay.

Villa Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa geysay Gobolka Gedo, waxayna gacan ku heynta gobolkaas kala wareegtay Maamul Goboleedka Jubbaland, waxaana socdo loolan ku aadan 16-ka kursi ee yaa Gedo.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhici doonto 10 October 2021 sida lagu qoray heshiiskii 27 May madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Rooble ku dhex maray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho inkastoo la qiyaasayo inay waqtigaas ka dib dhacdo sababo la xidhiidha khilaafka ka taagan Gedo iyo Beledweyne.

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...