Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay xildhibaannada ka soo jeeda gobobllada woqooyi ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay, isagoo u xaqiijiyay in guud ahaan doorashada, gaar ahaanna kuraasta gobollada woqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.
Reysarwasaaraha soomaaliya ayaa dadaalo waaweyn ugu jira sidii dalka soomaaliya uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ahi iyadoo laakiin ay ku gadaaman yihiin carqalado badani.