Madaxweyne Ku xigeenka Puntland ahna ku Simaha Madaxweynaha maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Kormeer ku tagey Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska waxaan Wasaaradda ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka, Marwo Aamina Cismaan Xaaji, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Sahra Cabdi Xirsi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Maxamed Cabdirisaaq Nuux.
Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa kormeer ku sameeyey Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda isagoona mid-mid u booqday Xafiisyadda ay ka kooban tahay iyo habka ay u socoto Shaqada maalin laha ah ee Wasaaradda haweenka.