Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ciidamada Danab oo wareer ku diley Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab.

Ciidamada Danab oo wareer ku diley Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab.

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Xoogga dalka ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-galkan oo uu horkacayey ku simaha taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, Dhamme Xasan Maxamed Cismaan ayaa waxaa si gaara looga fuliyey deegaanka Caliyoow Boorow ee gobolkaasi, halkaas ay ku sugnaayeen Xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Ku simaha taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi ay ku khaarijiyeen xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Nuux Dhagool.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sarkaalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka lacag uruurinta, sida uu hadalka u dhigay.

Dhamme Xasan Maxamed Cismaan ayaa sidoo kale xusay inuu howl-galkooda uu guuleystay, isla-markaana ay sii wadi doonaan, inta laga saaro Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guullaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga daraamayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Si kastaba, waxaa gobolkan si weyn ugu xoogan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro iyo qaraxyo culus kasoo abaabula deegaanada ay ka maamulaan Sh/ Hoose.

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...