Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Maxkamada yurub oo go'aan ka dhan ah dumarka muslimiinta soo saarey.

Maxkamada yurub oo go’aan ka dhan ah dumarka muslimiinta soo saarey.

Shirkadaha waxay shaqaalahooda Muslimiinta ah ka mamnuuci karaan inay xidhaan khamaarka, xaaladaha qaar, waxaa sidaas Khamiistii xukmisay Maxkamadda sare ee Midowga Yurub.

Go’aanka Maxkamadda ayaa yimid kadib markii laba gabadh oo Muslimiin ah oo ku nool Jarmalka laga joojiyey shaqada kadib markii ay billaabeen xirashada khamaarka.

“Mamnuucista xirashada astaan kasta oo muujineysa siyaasad, aragti ama diin ee goobaha shaqada, waxaa cidda loo shaqeynayo ay cudurdaar uga dhigan kartaa baahida loo qabo argtida muuqaalka qofka ee ay doonayaan macaamiisha, si looga hortago muran dadweyne,” ayey xukmisay Maxkamadda.

Labada gabdhood ee kiiska keenay ayaa waxay mid ka shaqeyneysay xarun lagu hayo caruurta oo ku taalla magaalada Hamburg, halka midda kale ay qasnaji ka aheyd dukaanka dawooyinka ee Mueller ee isla magaaladaas.

Labada gabdood ayaa markii ay shaqada billaabayeen xidhan jirin khamaarka, hase yeeshee waxay sidaas go’aansadeen sanado kadib markii ay kasoo laabteen fasax waalidnimo oo ay qaateen.

Waxaa hay’adihii ay u shaqeynayeen ay u sheegeen inaan la ogoleyn khamaarka, waxaana kadib laga joojiyey shaqada, ayaga oo loo sheegay inay khamaarka iska soo dhigaan ama ay raadsadaan shaqooyin kale.

Arrinta xijaabka ayaa sanado badan muran ka dhalineysay Yurub.

Xukun soo baxay 2017, ayey maxkamadda Midowga Yurub ah oo ku taalla Luxembourg waxay ku sheegtay in shirkadaha ay shaqada ka joojin karaan shaqaalaha xidha xijaabka iyo astaamaha kale ee diimeed, marxaladaha qaar.

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...