Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Marwada Madaxweynihii la diley ee dalka Haiti oo gurigeedii dib ugu noqotey...

Marwada Madaxweynihii la diley ee dalka Haiti oo gurigeedii dib ugu noqotey +sabab.

Martine Moïse oo horey loogu dhaawacay weerarkii bishan July 7-dii lagu dilay Saygeeda, Jovenel Moïse ayaa  la sheegay inay dib ugu laabatay Hoygeeda gaarka, kadib, markii lagu soo daaweeyey Isbital ku yaalla magaalladda Miyaami ee dalka Maraykanka.

Martine Moïse oo soo kireysatay Diyaarad Khaas ah ayaa waxay ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Port-au-Prince .

Ra’isul-wasaaraha Ku-meel-gaarka ee dalka Haiti, Kaluwde Josef iyo Saraakiil kale ayaana soo dhaweeyey Carmalada oo wadatay Dhar madow iyo Jaakadka aysan xabbaduhu ka dusi Karin, iyadoo uu xariga madow uu kaga xirnaa gacanta Midig.

Dhinaca kale, Saraakiisha Dowladda Haiti waxay shaaciyeen in maydka Madxweynihii hore, Jovenel Moise bishan July 23-ad lagu aasi doono magaalladda keeb haytiyan oo ku taallo Waqooyiga dalkaasi, iyadoo Xaaskii uu ka geeriyooday la rajeynayo inay goobjoog ka noqoto Aaskiisa.

RELATED ARTICLES

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama...

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Twitter Feed