Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Arrimaha Bulshada 6 arrimood oo ninku uu ku xusho gabadha uu jeclaanayo

6 arrimood oo ninku uu ku xusho gabadha uu jeclaanayo

Nin walba dookh ayuu leeyahay laakiin waxaa jira xulasho inta badan laga wada siman yahay oo dumarka lahi raaco.

Ma tahay gabar diyaar u ah haasaawe? Ma dooneysaa inaad ogaato sirta ragga ay ku xushaan gabdhaha?

Haddii ay jawaabtaadu tahay “haa” sii akhri maqaalkan.

Halkan waxaan ku soo bandhigaynaa toddobo arrimood oo ay nimanku door bidaan inay yeelato gabadha ay nolosha la wadaagayaan ama ay jecel yihiin.

Adiga haddii aad leedahay waa sidii loo baahnaa, laakiin haddii aad liiskaas iska wayso ku dadaal sidii aad safka hore uga gali lahayd wixii hadda ka dambeeya.

Maxay kala yihiin?

1- Gabar isku filan

Inta badan raggu ma jecla gabdhaha u dhaqma sida carruurnimada ah ama an wali u qaan gaarin maskax ahaan.

Waa inay gabadhu tahay qof nolosheeda maarayn karta, saaxiibbadeedna ay yihiin kuwo ay iyada maarayn karto.

Arrinta saaxiibbada waxay saameyn yeelanaysaa marka uu dhismo reerka, xilligaas oo loo baahan yahay isbaddal aan dhibaato keeneynin ama lagu kala go’aynin.

2- Gabadha aan tallaabada hor qaadin

Dabcan ma aha tallaabadii socodka. Waa tallaabooyinka loo qaado dhinaca xiriirka marka uu billowga yahay.

Ma waxaa habboon in gabadhu ay marka ugu horraysa codsato kulanka wadasheekeysiga fool-ka-foolka ah mise ninka ayaa ku habboon?

Inta ay isbarashada socoto waxaa fiican in gabadhu ay daganaato, tallaabooyinka noocaas ahna ay ka sugto wiilka.

Waa suuragal in ay iyadu hor jeclaato balse waa in hannaanka uusan ka habaabin waddadiisa.

3- Daneyn muuqata

Gabadha uu ninku wax walba u huro, qalbigiisana sida xad dhaafka ah usoo jiidata waa tan u muujisa inay daneyneyso, iyadoo aan si toos ah ugu sheegeynin marka hore.

Waxaa jira ficillo iyo dhaqdhaqaaqyo ay ka kid tahay eegista oo uu qofku ku soo bandhigi karo rabitaankiis.

Marka ugu horraysaba haddii aad ninka haasaawaha kula billaabay u muujiso sida aad ugu qanacsan tahay waxaa hubaal ah in aad jacayl buuxa ka heleyso.

Waa la gaari doonaa xilliga jacaylka la isugu sheegayo sida tooska ah.

4- Xannaaneyn

Haweeneyda ay raggu jecel yihiin, qalbigoodana sida dhakhsada ah ku degta astaamaheeda waxaa ka mid ah inay tahay qof naxatiis u muujisa ninka ay xiriirka la wadaagayso.

Waxyaabo yar yar u samee si uu u dareemo qiimaynta aad xagiisa ka leedahay.

Sida aad u xannaanaynayso waxay ku xiran tahay garashadaada.

Laakiin waxaa xaqiiqo ah in aad kusoo jiidanayso ficil kasta oo noocaas ah.

5- Gabar kulul

Dadka qaar ma amaanaan dumarka kulul ee ad adayga ku caan baxay.

Hase yeeshee nimanku way jecel yihiin in haweeneyda ay nolosha la wadaagayaan ay noqoto mid xoogaa kulul waxyaabaha qaarna aan aqbalaynin.

Way wanaagsan tahay in gabadha aysan oggolaanin waxyaabaha micno darrada ah ee imaada xilliga haasaawaha.

Tani waxay xitaa u gudbaysaa carruurta dhalnaysa guurka kaddib (hadduu Alle idmo) markaasoo hooyada laga doonayo inay si wanaagsan u tarbiyayso carruurteeda.

6- Gabadha ku faanta ninka

Marka uu ku dhex jiro saaxiibbadiis waxa ugu wayn ee uu jecel yahay waa inaad adiguna garab taagnaato, adigoo waliba u muujinaya waddarin iyo jacayl.

Marka aad ku faanto wuxuu dareemayaa inuu yahay ninka ugu nasiibka badan uguna sharafta badan ragga.

Gabo gabo

Waa macquul in arrimahan ay ku adag yihiin gabdhaha qaar, ama ayba la yaabaan. Laakiin wax walba oo wanaagsan waxay leeyihiin culayskooda.

RELATED ARTICLES

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Madaxweynaha Galmudug oo laga codsadey inuu soo gudbiyo liiska musharaxiinta.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor u diray Codsi la xiriira soorashada Aqalka Sare ee...

Dawlada somaliland oo ka hadashey dilkii G.kuminshanka doorashooyinka Gobola Sool.

Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland ayaa ka hadlay Dil xalay gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool loogu geystay Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Somaliland ee...

Twitter Feed