Monday, October 25, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Arrimaha Bulshada 6 qaab oo jacayl loogu abuuro qofka aad daneyneyso

6 qaab oo jacayl loogu abuuro qofka aad daneyneyso

Khubarada cilmi nafsiga ayaa xaqiijisay qaababka ugu habboon ee qof loogu abuuri karo jacayl.

M. Gary Neuman, oo ah qoraa, sidoo kalena ku xeel dheer cilmi nafsiga ayaa wargeyska Business Insider u sharraxay xeeladahan oo uu ku tilmaamay kuwo la hubo.

Waxaad u adeegsan kartaa qof walba oo aad ka hesho si aad dhankiisa/dhankeeda uga kasbato jacayl la mid ah midka aad u qabto.

1- Indhaha oo lagu qabto indhaha kale

Ku dadaal in mar walba ay is qabtaan indhahaaga iyo qofkaas indhihiisa.

Daraasad uu sameeyay Zick Rubin, oo maaddada cilmi nafsiga ka dhiga Jaamacadda, ayuu ku sheegay in lamaaneyaasha is jecel ay 75% indhaha isku hayaan marka ay sheekeysanayaan.

Haddaba si aad adiguna u abuurto dareen la mod ah kaas, xaqiiji in aad hesho indhaha qofka aad jeceshahay.

Way adag tahay inaad eegto balse karti isu yeel hana ka aqbalin qalbigaaga inaad cabsi darteed uga sii jeedsato.

2- Daneynta shakhsiyadda iyo dhageysiga

Dhageysiga wanaagsan ee la siiyo qof waa mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee jacaylka lagu abuuro, sida lagu sheegay daraasad ay sameeyeen jaamacadaha Nevada iyo Washington.

Sidoo kale qof walba wuxuu jecel yahay in la daneeyo shakhsiyaddiisa.

Haddii labadaas qodob ay is biirsadaan waxaa loo gudbayaa qalbiga qofka, jacayl ayaana ka dhalanaya halkaas.

3- Dareensii inuu yahay qof khaas ah

Waxyaabaha ugu waaweyn ee uu qof walba daneeyo waxaa ka mid ah in laga dhigo ruux qiimo leh oo dadka kale wax dheer.

Qofka aad u muujiso inaad jeceshahay waxa uu sameeyo iyo hab dhaqankiisa waxay u badan tahay inuu ku jeclaado, sida uu daraasaddiisa ku qeexay Neuman.

4- Dhoollacaddeyn badan

Dhoollacadeynta badan waxay abuurtaa soo jiidasho xoog badan, sida lagu xusay daraasad ay sameysay jaamacadda Drake ee dalka Mareykanka.

Qofka aad jeceshahay marka aad u dhoollacaddeyso waxaad ku guuleysaneysaa qalbigiisa.

5- Taabashada

Qodobkan wuxuu ku saabsan yahay lamaaneyaasha is qaba balse aan isku guursanin jacaylka.

Haddii aad mar walba gacanta ka qabsato wuxuu qofku dareemayaa xaalad lhaas ah oo u muujineysa in la daneynayo, sida uu qabo Mr Neuman.

6- La wadaagista waxyaabaha la jecel yahay

Isku day inaad aqoonsato waxyaabaha uu sida gaarka ah u jecel yahay qofka aad adigu jeceshahay, dhammaan waxyaabahaasna la jeclow.

Arrintaas waxay horseedeysaa in aad kasbato dareen khaas ah.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somaliland oo dad horleh kasoo musaafurineysa degaanadeeda

Ciidamada Amaanka Ee Somaliland ayaa Saaka Magaaladda Ceerigaabo ka Bilaabay howlgal looga saarayo Magaalada dadka aan u dhalan Deegaankaasi ee ka soo jeeda Koonfurta...

faah faahin laga helayo Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Dagaal  geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo...

Facebook ayaa ku guuldareysatay inay hubiso hadalada nacaybka, wararka been abuurka ah ee Hindiya: Warbixin

Facebook-ga Hindiya wuxuu doorbiday inuu xakameeyo hadallada nacaybka, wararka khaldan iyo qoraallada kiciya-gaar ahaan waxyaabaha ka soo horjeeda Muslimiinta-sida ku cad dukumiintiyada la dusiyey...