Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Soomaaliya oo Taageero Xoogan ka dalbatay Dalalka Carabta & Xogta oo la...

Soomaaliya oo Taageero Xoogan ka dalbatay Dalalka Carabta & Xogta oo la helay

Ergay khaas ah oo ka socday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa Dhambaal Xasaasi ah gaarsiiyey Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu Qoraal uu u diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Kheyt oo uu kaga codsaday in la kordhiyo Taageeradda dhinacyada badan ee Somalia la siiyo.

Xasan Macallim Khaliif oo ah Wasiir-dowlaha Madaxtooyada XFS, ahna Ergayga Khaaska ee Madaxweyne Farmaajo oo shalay la kulmay Axmed Abu Kheyt ayaa u gudbiyey Dhambaal Khaas ah oo uu u soo dhiibay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilo-wareed rasmi ah oo laga soo xigtay Xoghaynta Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu bilowgii kulankaasi u gudbiyey Axmed Abu Kheyd dhambaalka iyo salaanta uu Madaxweyne Farmaajo ku bogaadiyey Abu Kheyd iyo doorka Ururka Jaamacadda Carabta ka qaadato Taageeradda dhinacyada badan ee ay la garab taagan yihiin dalka Somalia.

Qoraalka Madaxweyne Farmaajo waxa kale oo uu ku xusay sida uu ugu kalsoon yahay inay sii socon doonaan Taageeradaasi, lana xoojin doono Mustaqbalka dhow.

Fariinta Farmaajo waxaa kaloo lagu bidhaamiyey inay Somalia haatan galayso Xilli xasaasi ah, loona baahan yahay Taageero dheeraad ah si ay Dowladda u fuliso Hawlaheeda, iyadoo loo baahan yahay in laga taageero Miisaaniyadeeda, baahida Samafal iyo Caafimaad ee Ummadda Soomaaliyeed, oo saamayn ku yeeshay Abaaraha iyo Xanuunka COVID 19 oo Somalia ka dillaacay.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Kheyt oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu Salaan Mahadcelin u diray Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna mar kale xaqiijiyey in Ururka Jaamacadda Carabta si buuxda uga go’an tahay inay sii wadaan Taageeradda ay siinayaan DFS iyo inay wax kasta ka taageeraan sidii loo xoojin lahaa Ammaanka, Deganaanshaha, Dib-u-soo-nooleynta Dhaqaalaha Somalia iyo Juhdiga dadaallka Somalia looga cafin lahaa Deymaha ay ku leeyihiin dalalka Carabta iyo kuwa Shisheeyaha.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta iyo Wasiir-dowlaha Madaxtooyada XFS, ahna Ergayga Khaaska ee Madaxweyne Farmaajo, Xasan Macallim Khaliif waxay ka wada xaajoodeen Dhacdooyinkii Siyaasadeed ee ugu dambeeyey ee Somalia, gaar ahaan dadaalada Wada-xaajoodyada DFS iyo Dowlad-gobaleedyada, si loo gaaro Heshiis Qaran oo ballaaran oo horseedi kara inay dalka ka dhacaan Doorashooyinka soo socda xilliga ugu dhow, iyadoo la eegayo Danta Qaranka.

RELATED ARTICLES

Jabuuti oo shaacisay in diyaaradii uu saarnaa Fahad Yaasiin dib ugu celiyeen Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in dhmaan rakaabkii saarnaa Diyaaradda Turkish Airweys dib ugu celiyeen dalka Turkiga.Diyaaradaas oo wada...

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Twitter Feed