Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Barnaamij-yada 7 cunto oo sabab u noqda laab jeexa (iska ilaali)

7 cunto oo sabab u noqda laab jeexa (iska ilaali)

Laab jeexa wuxuu billowdaa marka ay aashitada caloosha ee dheef shiidka loogu talo galay soo gaarto laabta.

Waxaa laga yaabaa inaad sida dad badan oo kale is weydiineyso waxa keena dareenkaas xanuunka badan.

Xaaladaha ugu badan ee lagu wajaho marxaladdaas waxaa ka mid ah:

  • In qofka uu iska badiyo raashinka
  • Inuu qofka aad u cayilan yahay
  • Inuu qofka leeyahay balwadda sigaar cabista
  • Isticmaalka dawooyinka qaar sida; aspirin, ibuprofen, dawooyinka dhiig karka iyo kuwa murqaha nasiya
  • Raashinka qaarkiis

Raahsinka sababi kara Laab-jeexa

Marka ay caloosha cuntada soo gasho waxaa xirma afka kaddibna waxaa ku soo furma aashitada, laakiin mararka qaar waxaa dhacda in aashitadaas ay kasoo dusto afka caloosha kaddibna ay waxyeello gaarsiiso meelo aan u adkeysan karin.

Tani waxay dhacdaa marka ay cuntooyinka qaar sababaan aashito badan oo gaarta heer ay caloosha kasoo gudubto.

Cuntooyinkaas waxaa ka mid ah toddobo nooc oo aad u baahan tahay inaad iska ilaaliso.

1- Shukulaatada

Raashin walba oo lagu daro maaddooyinka ay ka sameysan tahay shukulaatada ama lafteedaba waxay kuu keenayaan laab jeex.

Ha raalli ahaadaan dadka aadka u jecel shukulaatada, balse waxaa xaqiiq ah in aysan jirin cunto ka laab-jeex abuurid badan.

2- Cabitaannada uu naqaska ku jiro

Gabcan waad ogeyd in qodobkan uu ku jiro meesha. Cabitaannada la warshadeeyay ee uu naqaska ku jiro aad baan u jecel nahay. Qof walba wuu difaacayaa Coke ama Pepsi oo ah cabitaannada nooca aan ka hadleyno.

Haddaba waxaad ogaataa inay safka hore uga jiraan waxyaabaha badiya aashitada caloosha islamarkaana sababa inay faraha ka baxdo.

3- Wax walba oo aalkolo ah

Noocyada khamriga ee kala duwan ayaa ka mid ah waxyaabaha sababa laab-jeexa. kuma sii dheeraaneyno maadaama aan nahay ummad Muslimiin ah.

4- Cuntooyinka dufanka leh

Raashinka aashitada caloosha jah wareeriya waxaa ka mid ah wax walba oo uu dufan ku jiro, ha ahaado mid la cuno ama la cabo.

Waxaa intaas sii dheer in raashinka noocan ah uu sababo cayil xad dhaaf ah.

5- Caffeine (maaddo laga helo qaxwada iyo shaaha)

Waxaa suuragal ah inaad naxday oo aad isweydiineyso waxa kale ee ku jira liiska. Miyaad neef tuureysaa?

Marka aad sii seexaneyso inta badan iska ilaali shaaha bigeyska ah iyo qaxwada ama coffee-ga.

6- Cuntada la shiilay

Raashinka saliidda lagu shiilo, oo ay ugu badan yihiin baradhada iyo waxyaabaha la midka ah waxay sabab u noqdaan laab-jeexa.

7- Hilibka

Hilibka qudhiisa waxaa ku jira dufan abuuri kara aashito badan. Marka uu ugu daran yahay waa in la shiilo ama saliidda laga badiyo.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed