Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Barnaamij-yada 8 Faa’iido oo cajiib ah oo cambaha laga helo – boqorka khudaarta

8 Faa’iido oo cajiib ah oo cambaha laga helo – boqorka khudaarta

Cambaha waxaa markii ugu horeysay la bartay 25-30 milyan oo sano ka hor. Waxaa lagu arkay dhulka hadda ay ku yaallaan dalalka Bangladesh iyo Myanmar. Cambaha wuxuu si gaar ah taariikh ugu yahay Hindiya oo xiriirkeedii ugu horreeyay ee dunida uu ka bilowday.

Soomaaliya waxay ka mid ahaan jirtay dalalka soo saara cambaha ugu badan ee Afrika. Balse tan iyo markii dagaallada sokeeye ay bilowdeen, waxaa hoos u dhacay dhoofinta cambaha.

Balse inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, si wayn ayaa looga isticmaalaa cambaha oo marna sidiisa lagu cuno, marna la jarjarto, marna cabitaan laga shiito.

Haddaba, halkan ka akhriso qaar ka mid ah faa’idooyiinka caafimaad ee cambaha:

  1. Wuxuu u fiican yahay dheef-shiidka iyo caloosha

Cambaha wuxuu caawiyaa caloosha iyo hannaanka dheef-shiidka, si ay waxa aad cunto u kala nadiifiyaan.

Sida cilmi-baaris lagu ogaaday wuxuu cambaha leeyahay maadooyiin caloosha u fududeeya in ay si wanaagsan u shiiddo waxyaabaha borotiinnada ah ee aad cuneyso. Wuxuu sidoo kale dheef-shiidka ka caawiyaa in si wanaagsan uu u shaqeeyo.

Arrintaas waxay caawineysaa in wadnaha uu si wanaagsan u shaqeeyo. Cambaha cagaarka ah ayaa ah midka ugu wanaagsan.

  1. Caafimadka caloosha ayaa aad u wanaagsanaado

Sida lagu qoray buugaag badan, cambaha iyo waxa ku dahaaranba waxaa ka buuxo maadooyiin u wanaagsan caloosha oo jeermiska ka dila.

Calool caafimaad qabta – waa caafimaadka guud ee jirkaaga oo dhan arrin u wanaagsan. Calool xanuunsanna, waxay dhibaato ku tahay dheef-shiidka, maqaarka iyo xitaa sambabada iyo wadnaha. Waxayna sababi kartaa xanuunka neefta iyo dhibaatooyiin kale.

  1. Wuxuu xoojiyaa hannaanka difaaca jirka

Waa in aad ogaataa in halkii xabo ee cambo ah uu leeyahay dhammaan fitamiinnada C, ee sida maalinlaha ah aad ugu baahan tahay.

Cambo

Sidoo kale, cambaha oo awood badan u leh in uu dilo waxyaabah suntan ah ee jirka ku jira, wuxuu xoojinayaa hannaanka difaaca jirkaaga, wuxuuna ka hortagayaa hergebka iyo qandhadiisa.

  1. Wuxuu xoojiyaa caafimaadka indhaha

In aad cambo ku darto waxa aad maalin kasta cuneyso, waxaa suuragal ah in ay xoojiso caafimaadka indhahaaga, sida baaritaanno kala duwan lagu ogaaday.

Cambaha waxaa ka buuxo maadooyiin difaacaya Fitamiin-A oo cawinaya indhaha iyo aragga, wuxuuna ka hortagayaa yaraanta aragga ee da’da la socdo.

  1. Wuxuu yareynayaa Saliidda jirada ah ee jirka gasha

Xanuunka sokortaIn aad cunto cambaha wuxuu gacan wayn ka geysanayaa in salidda jirkaaga ay isu dheellitiranto. Heerarka sarreeya ee liilka eek u jira cambaha waxay yareynayaa saliidda ama dufanka caafimaad darrada ah ee jirka soo gali kara marka aad wax cunto.

  1. Jir nadiif ah oo aan saxar lahay (fininka maqaarka)

Cambaha waxaa ka buuxo fitamiin-C u wanaagsan maqaarka. Sidoo kale wuxuu leeyahay Fitamiin-A dib u soo celiya meelaha maqaarka ee xanuunsan ama finanka ay dhaaweceen.

Sidoo kale, cambaha wuxuu dilaan jeermisyada sababa in finan ay kaa soo baxaan, wuxuuna di u soo nooleeyaa maqaarka dhintay ee jirkaaga.

Sida laga soo xigtay khabiir ku taqasusay nafqada iyo caafimaadka guud, Shilpa Arora ND, wuxuu sheegay in “Cambaha uu kulansaday dhammaan nafaqooyiinka u fiican maqaarka iyo jirka guud ahaan”.

  1. Xanuunka Sokorta ama Macaanka (Diabetics)

Haa, waa macaan, waxaana cuni karo qof kasta – Cam,baha kama reebano dadka qaba xanuunka sokorta.

Marka la qiyaasayo, cambaha wuxuu u dhexeynayaa 41 illaa 60 – haddii celcelis ahaan loo qaato 51. Taas micneheedu wuxuu yahay in sokortiisa aysan dhibaato lahayn.

Sidoo kale, cambaha wuxuu leeyahay maadooyiin isu dheellitira sokorta jirka ku jirta.

  1. Iscaateynta

Cambaha marka aad cunto wuxuu kaa yareynayaa culeyska iyo baruurta jirka. Haddii aad caato tahayna, wuxuu kaa caawinayaa in aadan cayilin.

Cambaha wuxuu leeyahay maadooyiin isu dheellitiraya jirka oo dhan iyo cuntooyiinka aad cuneyso. Sidoo kale, haddii aad cunto, uma baahaneysid raashiin kale.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed