Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo lala eegtay bas marayay meel u dhexeysa magaalada Mandheera iyo degmada Lafey, waxaana qaraxa ku dhawaacmay Ku dhawaad 10 qof, sida ay sheegeen boolisku .
Baska rakaabka ah ayaa waxaa saarnaa 15 qof xilli miinada ay la qaraxday abbaare lixdii subaxnimo. Badhasaabka Gobolka Mandera Cali Ibraahim ayaa sheegay inay jiraan dad dhaawacyo culus uu soo gaaray isla markaanaku amray in loo Qaado magaalada Nairobi si halkaas loogu soo daweeyo.
Majirto wax faahfaahin ah oo Laga Ogyahay cida ka danbaysay Weerarkaasi .
By:Jim’ale ismail