1646036777702 - Wardeeq news

Hay’adda Bisha Cas laanteeda gobolka Sool ayaa daah furtey Mashruuca Ambalaasyada-Gaadiidka deg deg ah – kaas oo si bilaash ah loogu shaqaynayo bulshada gobolka .

Mashruucan oo si deg deg ah loogu gaadhsiinayo goobaha Caafimaadka mid guud iyo mid gaarba bukaanada dhaawacyada , dadka la kulma shilalka iwm , si laguugu fuliyo mashcruucan Waxaad wacaysaa lambar gaar ah oo ah 936 , iyadoo 24 Kii Saac xilli walba iyo xaalad walba laguugu imanaayo saqdhexe xilli walba laguuguna gaynayo cusbitaalka guud ama cusbitaalka uu dalbado bukaanuhu.

Gudoomiyaha guud ee Hay’ada Bisha Cas , iyo gudoomiyaha gobolka Sool ee Bisha cas , gudoomiyaha gobolka Sool iyo maayar ku xigeenka , Isuduwaha wasaarada Caafimaadka ayaa si wada jir ah xadhiga uga jarey mashruucan.

Daakir Warsame oo ah gudoomiyaha Bisha Cas ee gobolka Sool ayaa ugu baaqay in bulshada gobolka Sool ay ka faaiidaystaan mashruucan .

Verified by MonsterInsights