1646219380109 - Wardeeq news

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha heer qaran, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta madaxda gobolka Saraar ku wareejiyey qaadhaankii ay xukuumaddu ugu talo gashay gurmadka xaaladda abaareed ee ka taagan gobolka.

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa guddoomiyaha gobolka Saraar, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka abaaraha gobolka ku wareejiyey qaadhaan lacageed oo dhan $71000 (Kow iyo toddobaatan) kun oo dollar, kuna qiimaysan 300(Saddex boqol) oo Booyadood oo biyo ah.

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa sidoo kale xadhigga ka jaray riigga cusub ee ay xukuumaddu ka hirgelisay duleedka Caynaba, kaas oo biyo macaan laga helay.

Verified by MonsterInsights