1646725366816 - Wardeeq news

Wasaaradda maaliyadda Japan ayaa waxaa ay sheegtay in cunaqabatayno dheeraad ah ay ku soo rogeen Ruushka iyo Belarus si loogu ciqaabo Ruushka duulanka uu ku qaaday Ukraine.

Dowladda japan ayaa sheegtay in cunaqabateydan cusub lagu soo rogay shaqsiyaad gaaray ilaa 20 qof oo ay kamid yihiin ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee maamulka Madaxweyne Vladamir Putin, guddoomiye ku xigeennada baarlamaanka, madaxa Jamhuuriyadda Chechnya iyo madaxda shirkadaha xiriirka dhow la leh dowladda Ruushka Sida Volga Group, Transneft iyo Wagner.

12 muwaadin oo Belarusian ah ayaa sidoo kale la beegsaday, iyadoo ay weheliyaan laba kale oo Ruush ah iyo 12 oo ah ururo kajira dalka Belarusia.

Verified by MonsterInsights