Kulan ay maanta lahaayeen Xildhibaanada
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa natijo la’aan lagu kala tagay goordhweyd.
Kulanka oo ay soo xaadireen inta badan
xildhibaanada ayaa lagaga hadli lahaa
xaalada xanuunka Covid-19, sida xalay lagu
shaaciyey ajandaha.
Buuq ay abuureen xildhibaanada Mucaaradka
ayaa sababay in kulanku furmi waayo si toos
ah taas oo sababtay in uu guddoonku isaga baxo xarunta.
Warar ilaa xalay soo baxayey ayaa sheegayey in ajndaha la shaaciyey lagu dhex qarinayo muddo kordhin loo sameynayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
By:Jim’ale ismail