Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay wardeeq news- ayaa jawaab ka bixiyey go’aanka ay Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab & Kaakuma.
Dubbe ayaa shaaciyey in aysan Kenya xeri karin labadaasi xero, ayna qasab kusoo celin karin qaxootiga Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay ku joogaan sharci caalami ah.
“Qaxootiga waxa uu ku fadhiyaa xeerka caalimaga ah ee qaxootiga ee loo yaqaan Geneva Convention marka sidaasi darteed Kenya xaq uma lahan inay si khasab ah ku celiso qaxootiga,” ayuu wareysiga uu siiyey wardeeq news ku yiri wasir Dubbe.